Hargeysa: Xildhibaan Loo Xidhey Rasaas Lagu Ridey Baarlamaanka

0
188

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan aqalka wakiilada dhacdo la xidhiidhey rasaas lagu ridey baarlamaanka awgeed.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, nin ka mid ah illaalada xildhibaanka ayaa rasaas ku ridey baarlamaanka, markii ciidanka isku dayeen in ay xidhaana uu isagu is hortaagay, sidaasina loo xidhey xildhibaanka.

Wasiir Faratoon ma aanu bixinin wax faahfaahin intaasi dhaafsiisan, balse dad goobjoogayaal ah ayaa wariyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige u sheegey in dhacdada ay la xidhiidho muran la sheegey in uu ka dhashay doorashada guddoomiyaha aqalka wakiillada.

Dhinaca kale guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa BBC-da u xaqiijiyey in maxkamadda ay qabatay dacwad la xidhiidha muranka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, taasi oo uu soo gudbiyey xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo sheegey in uu isagu ku guuleystey codbixintii dhacday.

Doorasho dhacday maalintii Axada ayaa guddoonka baarlamaanka waxa ay sheegeen in uu xilka guddoomiyaha ku guuleystey Baashe Maxamed Faarax oo badali doona Cabdiraxmaan Cirro oo xilkaasi iska casiley kadib muddo 12 sano oo uu hayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here