Hargeysa (Hubaal) Booliiska Hargeysa ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan Jaamac Riyo oo saaka Hotelka Imperial kula dagaalamay Xildhibaan Nac nac.
jaamacIlo wareedyo Goob joog ahaa ayaa Farriinnews.com u sheegay in Xildhibaan Jaamac Riyo Mobil wajiga kaga dhuftay Xildhibaan Nacnac kadib markii ay isku af-dhaafeen muranka ka taagan Balayga Diiriye Guuleed oo uu Xildhibaan Nacnac tagay.
Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab ee ay beesha kale ee Reer Biniin ku muransan yihiin deegaamaynta Balayga Diiriye Guuleed, waxaanu Xildhibaan Nacnac ku qabsaday sababta geysay deegaankiisa.
Labada Xildhibaan oo hadalku ka tag taagmay ayaa sababtay in Xildhibaan Jaamac Riyo ka cadhoodo jawaabtii Nacnac kaga timi waxaanu wajiga akaga dhuftaya Mobilkii uu gacanta ku hayey.
Xildhibaan Nacnac ayaa Booliiska ka dalbaday in loo xidho Xildhibaan Jaamac Riyo, waxaana markiiba loo dhaadhiciyey saldhiga, halkaas oo uu ku xidhan yahay.
Xildhibaan Nacnac iyo Taliye C/laahi Fadal oo haybta gud ay Xildhibaan Jamaac Riyo wadaagaan ayaa magaaladda Burco dhawaan u tagay sidii ay Heshiis uga dhex dhalin lahaayeen labada Beelood eek u muransan deegaamaynta Balayga Diiriye Nuur hase yeeshee waxay Habeen hore ka soo noqdeen kadib markii ay Beesha Cabdalla Arab diidey Ergaynimadooda, iyagoo ku Eedeeyey inay Xukuumaddu soo diratay.
Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa Xukuumadda talada haysa ku ah Mucaarad, waxaanu dhawr jeer ka hadlay colaada ka taagan Balayga Diiriye Guuleed oo ku yaala Waqooyiga Burco halkaas oo uu ka soo jeedo, waxaanu ku doodaa in Beeshiisa laga gar-daran yahay, isagoo sababta uu ula dagaalamay Nacnac u arka mid la mid ah ta ay Reerkoodu ku soo diideen oo ah inay Xukuumaddu u diratay dajinta Collaada beeshooda iyo Beeshiisa kale u dhaxaysa, taasoo uu u arko inay u xaglinayaan fadal iyo Nacnac dhinaca Beesha kale.
Waa markii ugu horaysay ee la xidho Xildhibaan la dagaalamay Xildhibaan kale, iyadoo laga war-qabo in dhawaan laba Xildhibaan oo ka soo jeeda Golaha Wakiiladdu dagaalameen balse aan midkoodna la xidhin.
Si kasta ha ahaatee Xildhibaan Jaamaca Riyo waxa uu ka soo jeedaa Golaha wakiiladda, waxaanu in muddo ah xukuumadda ku waday mucaaradad uu u adeegsaday Mihnadiisa Abwaanimo, isagoo dhawr Heesood u tiriyey, halka Xildhibaan Nacnac uu ka soo jeedo Golaha Wakiiladda, isla markaana uu ka mid yahay Xisbul xaakimka Kulmiye oo ah difaace weyn oo dhinaca Xukuumadda ah, waxana Dagaalka dhex maray labada Xildhibaan salka ku hayaa kala Fikir duwanaanshaha dhinaca Siyaasadda oo la odhan karo midba midka kale ma ogola.
Hore ayuu Xildhibaan nacnac Erayo af-lagaado ah ugu yidhi Xildhibaan Jaamac Riyo markii uu tiriyey Heestiisii ugu danbaysay, waxaana muuqata Xildhibaan Jaamac Riyo in uu kula dhacay Oday Nacnac Cadhooyinkaas Ururay ee uu u hayey