Hargeysa:Dhalinyaro Baajisay Shir Oday Dhaqameedka Ka Soo Jeeda Beesha Muuse Biixi Taageero Ugu Muujin Lahaayeen Musharaxnimada Siilaanyo

0
27

Hargeysa(Hubaal) -Shir Saxaafadeed saaka Madaxdhaqameed ka soo jeeda Beesha Gabeedka Hargeysa ku qaban lahaayeen Hotel maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa baaqday ka dib markii Dhalin yaro shirkaasi diidani soo dhex galeen.

Shirka Jaraa’id ayaa Odayaashu taageero ugu muujinayeen Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo. dhalin yarada ayaa soo dhex galay Hoolka Odayaashu shirka ku qaban lahaayeen oo Saxaafadduna ku sugnayd, halkaasi oo ay kaga dalbadeen Odayaashu inaanay Shirkaasi Jaraa’id qaban, inta badan Odayaasha ayaa u hogaansamay dalabkaasi kana dareeray Hoolka, iyadoo Odayaasha Qaar iyo dhalin yarada gacan ka hadal dhex maray.

odayaal

Dhalin yarada oo taageersan Muuse Biixi ayaa ku dooday inaan Beeshu taageersanayn Madaxweyne Siilaanyo, sidaasi darteedna Odayaashu aanay Ra’yiga Beesha ka been sheegin.

Dhalin yarada iyo Haween weynaha ka soo jeeda Beesha Gudoomiyaha Kulmiye ayaa marar kala duwan qabtay Shirar balaadhan oo ay taageero ugu muujinayaan Musharaxnimada Muuse Biixi.

Warar warbaahinta qaarkeed heshay ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Beeshaasi ee Xilalka ka haya Xukumaddu shir layeesheen Odayaasha, una sheegeen in looga fadhiyo sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Go’aankii Golaha Guurtidu ku xalisay Khilaafka Kulmiye, taageerana ugu muujin lahaayeen Madaxweynaha islamarkaana Arbacada maanta loo balansanaa ka hadalka Arinkaasi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here