Ajaanib Dugsanaya Shakhsiyaad Reer Somaliland ah Oo Fagaareyaal Kusoo Bandhigay Boqolaal Da’yar ah Oo Dhaqanno Shisheeye Xayeysiinay Iyo Kumanaan Kale Oo U Sacabbo Tumaya
Hargeysa (Hubaal) Somaliland waa dal boqolkiiba boqol ay dadkiisu haystaan diinta Islaamka, isla markaana leh distoor mabnuucaya wax allaala iyo wixii diinta Islaamka & dhaqankeedaba kasoo horjeeda, laga fulin Karin Somaliland, waxaana u dhamaystiran hay’addaha u xilsaaran waxkaqabashada wixii diinteenna Suuban ee Islaamka kasoo horjeeda.
Bandhiggan oo ay horboodayaan xubno ajaanib ah oo qaarkood sawirrada ka muuqdaan oo ay dabada ka riixayaan shakhsiyaad reer Somaliland oo aan weli si rasmi ah isu soo bandhigini, ayaa fajac iyo la yaab ku noqday bulshada dhaqanka iyo diinta suuban haysata ee dalka ku dhaqan iyo kuwa kale ee bandhigan halacsaday, waxana ay u muuqataa mid lagu ibo furayo suuq cusub oo la doonayo in dhaqankan cusub loo abuuro.
Dhaqamadaasi laga soo waaridayo dunida gaalada, siiba waddamada reer Galbeedka ee loosoo wado, qaarkoodna laguba arkay Somaliland gudaheeda, waxaa kamid ah waxa loo yaqaan Fashion-ka ee lagu soo bandhi dharka noocyadooda kala duwan oo rag iyo dumarba iyagoo ku lebisan dharkaasi, la daawado oo soo bandhigaan.
Waxaa muddooyinkii u dambeeyay magaaladda Hargeysa lagu qabanayay xaflado bandhigga dharka ah oo rag iyo dumarba leh, kuwaasi oo lagu qabanayo huteel ku yaalla Hargeysa, halkaasi oo dadku intay isugu yimaadaan dabadeed lagu daawanayo dharkaasi ama lebiskaasi, si lamida sidaynu u naqaan barnaamiyada Fashion-ka layidhaa ee reer Galbeedku ama dunida Gaalada ah lagu sameeyo.
Barnaamijkan lebiska dharka ee dumar iyo ragba leh waxaa isku soo dubarida ama keenay nin ajaanib ah oo weliba caddaan ah, kaasi oo Hargeysa ku qabtay tiraba afar jeer oo barnaamijkan dhaqankeena iyo diinteenaba kasoo horjeeda gudaha magaaladda Hargeysa.
Iyadoo sawirro laga qaaday haweenka iyo ragga ku lebisan ee soo bandhigay quruxda qaabkooda ee lebiska lagu wadaagayay baraha ay bulshadu ku kulanto siiba barta Facebook-ga oo lasoo dhigay sawirradooda.
Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hay’addaha ku shaqada leh, haday yihiin wasaaradda diinta iyo aw-qaafta, guddida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo sidoo kale ciidamada booliska ee u xil saaran wax kaqabshada dhaqamada aan wanaagsanayn, ayaan haba yaraatee wax war iyo wacaal u hayn waxan inna soo galay, iyadoonay jirin cid ama meel lagaga hadlayo arrintan dhaqankeena ku cusub.
Si kastaba ha noqotee, haddii ay arrintan iyo kuwo kale oo ah dhaqamada somaliland lagaga soo waaridayo dhulka gaaladda, ay sidaasi kusii socdaan, waxaa marag madoon ah oo iman doonta, in suuqa weyn ee magaaladda Hargeysa hadh cad lagu qaban doono bandhig quruxeed ama waxaynu u naqaan Fashion rag iyo dumar qaaqaawan soo bandhiggaan.
Gebogebadii waxa wargeyska Hubaal oo aaminsan in ilaalinta diinta iyo dhaqanka suuban ee umaddaba xil weyni ka saaran yahay ku boorrinayaa hay’adaha kala duwan ee arrimahan oo kale shaqada ku leh ee ay wasaaradda Diinta iyo weliba ciidamada Boolisku kowda ka yihiin inay tallaabo muuqata ka qaadaan dadka bulshada dhibtan kula dhex jira, waxana aanu ballan ku qaadaynaa inaanu dhawaan soo bandhigi doono shakhsiyaadka usoo dheefsi tegay qaawinta da’yarta oo sababo jira aawadood aanan waqtigan akhristeyaashayada la wadaagi Karin.