21kii bishan ayey hayd markii labada wadan ee Somaliland iyo somaliya ay dalka jabuuti ku kala saxeexdeen heshiis ay isla gaadheen ka dib maalin wadahadal ah oo ay halkaas ku yesheen wadahadaladaasi oo uu marti galiyey madaxweynaha jabuuti ismaaciil cumar geele, iyada oo ay qayb ka yihiin wadahadaladani kuwii hore ugu socon jiray labada dawladood ee Somaliland iyo somaliya.
heshiiskan ama wadahadaladkan ayaa ka duwan ayaa la odhan karaa kuwii hore waxaana uu kaga duwan yahay dhawr arimood oo ka muhiimsan kuwii hore
(1) waa markii ugu horaysay ee dal soomali ah lagu wadahadlo (2) labada dhinac ayaa si toosa ugu badhedhay inay ku dhiiradaan masiirka labada umadood in laga wadahadlo kulanka xiga iyo in wadahadalada loo sameeyo wakhi jaangoyn ah si loo soo afjaro dabadaa furantii ay ku socdeen wadahadaladu,marka aad si guud u fiiriso jawigaas iyo heshiiskaas labada dhinac ee Somaliland iyo somaliyaba waxa lagu soo dhaweeyey waji furan , intaas hordhac ha iga ahaato hadana aan u soo daadago dulucda maqaalkan ama qoraalkan yare e kooban, runtii shacabka reer somalialnd waxa ay aad ugu dhagtaagayeen kulanka labada madaxweyne iyo waxa ka soo bixi doona, heshiiska labada dhinac ay isla gadheen oo ka koobnaa 6 qodob kuwaasi oo ay kala saxeexeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia , qodobaasi ayaa waxaa aad loogu diirsaday oo aan bogaadin balaadhan ugu jeedinayaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed maxamuud sillanyo,labada qodob ee kala ah qodobka koowaad iyo ka labaad, hadayno soo qaadano kan 1aad ayaa waxa uu sheegayaa sii wadida wadahadalada ka sokow in wakhti jaangown ah loo sameeyo wadahadalada labada dhinac iyo kan 2aad oo isna sheegaya in arimaha siyaasada ee masiiriga ah lagu dhiirado, labadaasi qodob ayaa marka aad eegto ahimiyada ay leyihiin waxaad ka dhex arkaysa rajo aad u wayn oo ka soo muqata aqoonsiga Somaliland iyo sidii aynu u kala fuqi lahayn somaliyada aynu kala laadlaadno, xukuumadena sharafta leh ee aynu hore sida haqab la,aanta ah ugu hurnay codkeena iyo kalsonideena ayaana ku amaanan talaabadaasi guusha ah, taasina waxa ay cadayn u tahay sida ay xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne silanyo iyo teamkiisa hadh iyo habeen daadaalka ugu jiraan ka midha dhalinta hanka iyo hiigsiga shacabka Somaliland , talaabooyinka ku dhiirisahada leh iyo u badheedhida go,aanada xaqiijinta qadiyada iyo adkaynta qaranimada Somaliland , xukuumada iyo teamka hogaaminayaba waxaan ku amaanayaa heshiiskaasi lagu soo gaadhay jabuuti oo ay shacabka Somaliland aad ugu farxeen, runtii waxaa muuqata inay dawladeenu aad ugu dadaalayso hore u wadida hawlihii ay shacbku u doorteen, shaki kuma jiro in dhamaan balanqaadyadii u hore madaxweyne siilaanyo u qaday uu wada fuliyey intii wakhtigu u saamaxay ee uu ilaahayna la garab qabtay aniga oo dawlada kula dardarmaya in ay halkaas ka sii wadaan dadaaladaasi, shacabkana waxaan ugu baaqayaa inay marlabaad codkooda siiyaan madaxweyne siilaayno si aynu u helno ayaan leeyahay horumar intan ka sii balaadhan iyo aqoonsi degdega. … wa bilaahi tawfiiq…
Mahamed yusuuf
Mahamedfantastic@hotmail.com