Haween weynaha Kulmiye ee Gobollada iyo Degmooyinka Oo Madal Ilyartu isqabatay Ugu Fooladeeyey Tanaasulka Madaxweynaha, Musharrixiinta Xisbigana Hambalyo u Diray

0
44

Hargeysa:(Hubaal)-Haween-weynaha xubnaha ka ah Xisbiga Kulmiye ee Gobollada iyo degmooyinka Dalka, ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo kaga kaga tanaasulay inuu markiisii labaad u tartamo Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye, iyagoo sidoo kalena  hambalyeeyey Labada musharrax ee Xisbiga udoortay inay uga qayb galaan doorashooyinka dalka ka qorshaysan Sanadda 2017-ka. Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo habeenkii xalay Magaalada Hargeysa lagu qabtay,  ay kana soo qabgaleen dhammaanba haweenka Golaha Dhexe, fulinta iyo xukuumaddaba xilalka ka hayaa ayaa si weyn loogu taageeray madaxweynaha Somaliland oo dhawaan shaaciyey inaanu madaxtinimada waddanka markale u tartami doonin, iyadoo sidoo kalena soo dhaweyn ballaadhan loogu muujiyey Musharrixiinta Xisbigu doortay. haweenka kulmiyeHaweenka Xisbiga Kulmiye oo ah awoodda ugu weyn ee Xisbigu ku socdo, ayaa habeenkii xalay si siman u taageeray Go’aankii madaxweynaha, waxana ay  madaxweynaha ku sifeeyeen halyey taariikhda ka galay baal dahab ah. Ugu horrayn Marwo sitiin oo kamid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas, isla-markaana firfircooni dheeri ah ku caan ah oo ugu horrayn halkaasi ka Hadashay, ayaa ku dheeraatay Hambalyada madaxweynaha iyo Musharixiintii dhawaan la doortay, “madaxweyne Hore Somaliland wax badan baad ugu soo qabatay oo abaalkaaga lama ilaawi karo, waana wax bulshadadaada dhami u riyaaqsan yihiin, waxa kale oo aan caawa hambalyo u dirayaa musharraxa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Muuse Biixi Cabdi iyo cabdiraxmaan Saylici, waxana aanu leenahy insha allah hankiinu wuu rumoobi doonaa, Haweenka Somaliland, gaar ahaan kuwa xisbiga Kulmiyena waxan leeyahay aad baad u mahadsan tihiin.” Ayey tidhi Marwo Sitiin. Dalays shire Faarax oo kamid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa iyaduna dhankeeda madaxweynaha ku tilmaamtay halyey aan waligii la ilaawi doonin oo ku dhiiraday inuu dhallinyada ay siyaasadda saaxiibka ku yihiin uga tago wax uu isagu xaq u lahaa, waxana ay tidhi,“waxan hambalyo aad iyo aad ah u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, waxana leeyahay madaxweyne  Halyey qaran baad tahay, halgamaa dheer baad tahay, xilkasbaad tahay, hoggaamiye daacad ah baad tahay, karaamana waad leedahaye cimrigaaga ilaahay hakuu raajiyo. Mar labaad waxan hambalyeynayaa mujaahidka qaaliga ah, Muuse Biixi cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Saylici, garabkoodana waanu taaganahay, Walaalahayaga kale ee naga maqanna waxanu leenaya isukaaga keena ma kala maarano oo kulmiye ayeynu isku nahaye.” Guddoomiyaha Garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa iyaduna dhankeeda bogaadisay Go’aanka madaxweynaha, waxana ay farriin u dirtay xubnaha xisbiga dibadda kaga maqan “waxan aad iyo aad u hambalyeynayaa madaxweyneheena oo qaaradda Afrika kaalinta labaad ka galay oo go’aan muhiim ah qaatay qiimahaasna waanu ku ogayn, dhallinyaradeenana waxan leeyahay wakhtigiina waad heli doontaane samra, hankana waa lagu kala dheerayaa soo noqda waanu idin jecelahaye.”ayey tidhi marwo Canab cumar Ileeye. Agaasimaha Safo-falka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diirirey oo iyadu kamid ahayd xubnihii munaasibadaas soo qaban qaabiyey oo halkaasi ka hadashay, ayaa madaxweynaha si qoto dheer u ammaantay, waxana ay sheegtay inuu madaxweynuhu sii kordhiyey taariikhihii dahabiga ahaa ee uu hore dalka ugu lahaa, waxana ay dhinaca kale bogaadisay musharixiinta la doortay, “madaxweynaha waxanu leenahay aad iyo aad baanu kuugu hambalyeynaynaa aad iyo aad baanu kuugu hambalyeynaynaa Go’aankii geesinimada lahaa ee aad xilligaagii labaad ee distoorku kuu jideeyey adigoo kursiga haya ku sheegtay inaad dhallinyarada kaa dambaysa u tanaasusho, Madaxweyne Waligaa madaxweynaad ahaanaysaa, horena taariikho dahabi ah baad dalka ugu lahayd lagumana ilaawi karo, waxana waddadaas aad jeexday haddii aan haweenka xisbiga Kulmye nahay kusoo dhaweynaynaa adigoo horena u ahaa halgamaa weyn oo dalka xaalad adag usoo maray, sidoo kale waxanu si weyn usoo dhaweynaynaa musharraxiinta Xisbiga Kulmiye doortay ee kala ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo aanu si kal iyo laab ah u garab taagnaan doono, kuwa laga guulaystayna aad bay u mahadsan yihiin guulna waanu u rajaynaynaa.”ayey tidhi Marwo Aamina Maxamuud Diiriye Xubno tiro badan oo Gobollada iyo degmooyinka ka yimi kana tirsan Xisbiga Kulmiye oo halkaasi ka Hadlay, ayaa si isku mid ah u hambalyeeyey madaxweyne Siilaanyo, waxana ay shaaciyeen inay si kal iyo laab ah u garab istaagi doonaan madaxweynaha iyo xubnaha musharraxnimada xisbiga loo doortay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here