Stockholm:(Hubaal)-Nadia Murad oo ah gabadh yar oo qoomiyadda Yaziidiga ee dalka ciraag deggen kasoo jeeda oo kooxda ISIS ay marar badan iibiyeen, balse ka baxsatay, ayaa heshay abaalmarinta sare ee xuquuqda bani’aadamka ee golaha yurub.
Nadia Murad ayaa ka mid ahayd dumar iyo gabdho Yazidi ah oo la sheegay inay qabsadeen kadibna ay xoogeen kooxda IS bishii August 2014.
Gabadhan Yazidiga ah oo ay qabsadeen IS kadibna xoogeen ayaa ku guulaysatay abaalmarin sare ee xuquuqda bini’aadanka, taas oo magaceeda kor u qaadaysa, isla markaana ka dhigaysa mid kamid ah dadka dunida ugu caansan.
Miss Murad ayaa noqotay hogaamiye ololaha xoraynta dadka Yazidi-ga, iyo joojinta dadka sharci darada lagu dhoofiyo kadib markii ay ka soo fakatay kooxda IS bishii November 2014.
Nadia oo 23 jir ah ayaa la qabsaday oo laga dhigay adoon saddex bilood iyadoo ka mid ahayd 5,000 oo dumar iyo gabdho la qabsaday.
Bilihii la haystay, dhowr jeer ayaa la iibiyay, oo ay ku sameeyeen xadgudub jidhkeeda kooxda IS.
Miss Murad, oo ay Qaramada Midoobay u magacawday safiir bishii September, ayaa ku baaqday in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado danbiyada ay sameeyaan kooxda IS, markay jeedinaysay qudbadii ay ku aqbashay abaalmarinta ee magaalada Strasbourg.
Waxay ku sheegtay weerarka IS ay ku qaaday Yazidi “xasuuq”, waxayna sheegay “Dunida xorta ah inaanay waxba ka qabanayn.”
Abaalmarinta, oo la siiyo bulshada rayidka ee qabta shaqooyinka fiican oo difaaca xaquuqda bini’aadanka,ayaa wadata 60,000 euros (£54,250;$67,000).