Haweenay Ku Dhawaad Nus Qarni Koomo Ku Jirtay Oo Shalay Geeriyootay

0
34

Mombay (Hubaal/W.Wararka) Gabadhan oo kal-kaaliso ka ahayd cusbitaal ku yaala magaaladda Mombay ee dalka Hindiya ayaa koomo ay ku jirtay muddo 42 sanadood ah kadib dhimatay,gabadhan oo lagu magacaabo Aruna ayaa dhaawac kasoo gaadhay maskaxda kadib markii mid kamid ah shaqaalaha cusbitaalka uu kula kacay kubsi sanadku markuu ahaa 1973-kii,waxaana xanuun darani kasoo gaadhay maskaxda. Aruna ayaa lala tacaalay xaaladeeda oo rajo laga qabay isbuucii u dambeeyay waxaana lagu xidhay aalad sahlaysay in rajo laga qabo inay sii noolaato balse lagu guuldaraystay. Meydka Aruna ayaa lagu aasay Mombai halkaas oo ay ka qaybgaleen kal-kaaliyeyaasha cusbitaalka King Edward Hospital iyo qaraabada haweenayda dhimatay.

A file photo of 60-year-old nurse Aruna Shanbaug who, since the last 37 years, has been living in a vegetative state in a Mumbai hospital. The Supreme Court on Monday dismissed a plea for the mercy killing of Aruna 08Pubmar2011

Maxkamada sare ee dalka Hindiya ayaa diiday codsi kiiska Aruna oo uu usoo gudbiyay nin isagu cusbitaalka ugu gargaaray,waxaana jirtay in kiiskeeda ay diideen kal-kaaliyeyaasha cusbitaalka oo marar badan la tacaalay caafimaadkeeda kadib markii Qoyska ay Aruna kasoo jeeday sheegeen inaanay awoodin taageero ay siiyaan inantooda oo haatan god gashay. Aruna oo jinsiyad ahaan ksoo jeeday qoomiyada Haldipur ee gobolka Harnataka ayaa kamid noqotay kal-kaaliyeyaasha cusbitaalka KEM Todobaataneeyadii.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here