Haweenay Soomaaliyad ah Oo Kamid Noqotay Afartii Qof Ee Lala Qabtay Ninkii Turkiga Daka Ku XasuuqayQaraxa Iyo Waxyaabaha Aqalkiisa Laga Helay

0
80

Afarta Qof Oo Saddex Kamid ahi Kasoo Jeedaan Qaaradda Afrika Iyo Lacag dhan $197,000   Iyo Agab Kale Oo Aqalka Loogu Tegay

qofka ka dambeeyay qaraxii turkiga

Stanbu:(Hubaal)-Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xidheen ninkii la sheegayey inuu ka danbeeyey weerarkii habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.

Ninka oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov ayey warbaahinta dalka Turkiga sheegtay in uu yahay shaqsigii ka danbeeyay weerarki Istanbul.

Warbaahinta ayaa intaa ku dartay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Esenyurt ee magaalada Istanbul.

Ra’iisul wasaare Yildirim oo ku tilmaamay ninka argagixiye quruxan ah, ayaa sheegay in hadda arrinta muhiimka ah ay tahay in la shaaciyo maskaxdii ka danbeysay weerarkaas.

Barasaabka Istanbul Vasip Sahin ayaa maanta sheegay in faro laga qaaday Masharipov ay noqdeen kuwi laga helay goobti uu ka dhacay weerari habeenki sanadka cusub.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ninkan oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Uzbekistan uu dhashay sanadkii 1983-dii, waxana ay xoogagga ammaanka ee Turkigu sheegeen inuu tababarka kusoo qaatay waddanka Afghanistaan oo uu muddo ku noolaa, kadibna soo galay Turkiga bishii June ee sanadkii 2016.

Gurigii ninkan lag helay oo ahaa guryaha ugu qaalisan dalkaas, ayaa waxa laga helay Laba bamka gacmaha laga tuuro ah, laba kameradaha duulimaadka wax ku duuba ah, lacag dhan $197,000 iyo hal semi-card, waxana agabkani dhammantood ku jiraan gacanta ciidanka ammaanka.

Hawlgalka waxa ka qaybgalay 2,000 kun oo askari, waxana laga baadhay 150-goobood, iyada oo loo xidhay 50-qof oo laga shakiyey,  waxana guriga ninkan laga soo qabtay loogu tegay afar qof oo kale oo mid kamid ah oo nin ahaa kasoo jeedo dalka ciraaq, halka saddexda kale oo haween ahna ay kasoo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Senegal iyo Masar.

Weerarkii uu ninkani geystay, ayaa waxa ku dhintay dad tiradooda lagu sheegay 39-qof oo kasoo jeeday dalalka France, Lebanon, Saudi Arabia, Israel, Jordan, Iraq, Tunisia and Morocco.

Washintong(Hubaal)-Madaxweynaha Maraykanka ee xilka kasii dagaya Barack Obama ayaa xabsiga Gawantanamo kasii daayey maxaabiis gaadheysa 10, kuwaasi oo la sheegay in loo qaaday wadanka Cumaan oo ogolaaday inuu soo dhaweeyo maxaabiistaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here