Waxaa Lagu Eedeeyey Xidhiidh Tilifoon Oo Ay La Samaysay Dableydii Loo Haystay Dilka Taliyaha, Shan Iyo Sagaashan Cisho Ka Dibna Xabsigaa Laga Sii Daayay
Berbera (Hubaal) – Saado Jaamac Aadan (Saado-dheer) oo horaantii bishii March ee sanadkan ciidammada ammaanku xabsiga u taxaabeen kadib markii lagu eedeeyey in ay ku lug lahayd dhacdadii lagu toogtay dilkii taliyihii qeybta bilayska ee gobolka Saaxil, Marxuum Casayr ayaa shalay xabsiga laga sii daayay. Saado-dheer oo 13kii March ee 2016-ka ay xilli habeennimo ah gurigeeda oo ku yaalla magaallada Berbera kala baxeen hurin ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da ayaa illaa waqtigaas u xidhnayd Eed ah inay xidhiidh dhanka Telefoonka ah la samaysay Dablaydii ku eedaysnaa Dilka Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Maxamuud Caseyr, ka hor intaan la qabanin dhammaantood. sida Hay’adda Human Rights Watch ku sheegtay War-bixin ay Xadhiggeeda ka soo saartay.
Saado oo Dhowr jeer la soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, iyada oo ay wehelinayaan Dadka kale ee loo hayo Dilka Taliyihii Booliiska Saaxil, ayaa shalay la siidaayey, ka dib markii sida la sheegay lagu waayay Wax Dambi ah oo ku xidhiidhsan eeddaa hore ee xadhiggeedaa loo cuskaday.