Haweenka KULMIYE oo Hambalyo iyo Dhiirigelin Isugu Daray Musharraxiinta Xisbigu U Doortay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa

0
17

Hoggaanka xisbiga oo ugu baaqay dadweynaha inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangeliyaan codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda

Hargeysa (Hubaal)- Garabka haweenwaynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa u ballanqaaday murrashaxiinta Madaxweyne iyo ku-xigeenka xisbigu dhawaan u doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici inay si buuxda isu barbartaagayaan. Kulan hambalyo iyo dhiirigelin ah oo hoggaanka garabka haweenku ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE shalay oo ay ka qaybgaleen dumar kala matalayey gobollada dalka, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga Muuse Biixi, xubnaha hoggaanka ee kale iyo siyaasiyiin kale, ayaa la isku waydaarsaday bogaadin iyo dardaaran la xidhiidha natiijada doorashadii shirkii golaha dhexe ee xisbiga iyo xoojinta dhismaha iyo dardargelinta hawlaha KULMIYE ee guud ahaan dalka si loogu diyaargaroobo doorashooyinka soo socda. haweenka subeer awalWaxa kaloo dhinacyadu ku hambalyeeyeen Madaxweyne Siilaanyo tallaabada uu kaga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo doorashada, taasi oo ay ku tilmaameen tallaabo dimuqraadiyadeed oo samaynteedu hif iyo nadir ku tahay madaxda qaaradda Afrika. Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Canab Cumar Ileeye iyo ku-xigeenkeeda Dalays Faarax Shire, ayaa hadallo ay madasha ka jeediyeen ku sheegay in ujeeddada kulankoodu tahay hambalyeynta labada murrashax ee xisbigu doortay oo ay barbarkooda taagnaanayaan.  Sidoo kale, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Sitiin Xasan Jaamac, Saynab Maxamed Jaamac, Caasha Hinda, Ayaan Xaaji Aktoobar, Carfi Jaamac iyo xubno kale oo ka kala socday gobollada dalka, ayaa dhammaantood si isku mid ah hambalyo ugu diray labada murrashax ee u soo baxay xisbiga oo ay u ballanqaadeen inay taageero buuxa siinayaan si ay guul uga soo hooyaan doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan sannadka dambe ee 2017. Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Ibraahim (Qabo) iyo siyaasiga Axmed Xaashi, ayaa soo dhaweeyey hambalyada garabka haweenku ku qaabileen masuuliyiinta la doortay, iyagoo isku raacay in dumarku yihiin cududda ugu wayn ee KULMIYE ku tashado, isla markaana ay ku suntan yihiin guulaha xisbigu gaadhay oo loo ogyahay. “Waxaynu ku dardaarmaynaa oo ku ballamaynaa xisbinimada in aynu mar walba ilaalino xisbinimada, waayo waxa wax dhalayaa waa xisbiga, madaxweyne gobol iyo qabiil keliya soo saari karaa ma jiro, madaxweyne kastoo dalka ka talinayana waxaynu u baahannahay in aynu ku xisaabtanno ilaalinta xisbinimada.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxaannu intaa raaciyey baaq uu dadweynaha u diray oo la xidhiidha diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxaannu yidhi, “Waxa kaloo xisbigu dadka kula dardaarmayaa haddii uu taageero KULMIYE iyo hadduu xisbiyada kale taageeraba waxa bisha dambe bilaabmaya is-diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaadhkaa qofka qaata ayuun baa doorashooyinka dambe ka qaybgalaya oo dooranaya murrashax madaxweyne ama murrashax Baarlamaan. Markaa dadweynaha waxaannu leenahay diiwaangelintu laba macne ayey samaynaysaa oo kala ah; wax bay Somaliland taraysaa marka la ogaado tirada dadkeeda cod-bixiyayaasha ahi markay tiro badan yihiin, waxa kaloo ay taraysaa qofka muwaadinka ahi in aannu xaqiisa lumin oo ciddii doonayo u coeeyo KULMIYE ama axsaabta kale, sidaa darteed, dadka waxaannu leenahay is-diiwaangeliya oo kaadhka codbixinta qaata.” Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey hambalyada iyo soo dhawaynta ay u sameeyeen garabka haweenka ee xisbiga, isagoo ku ammaanay in mar walba dumarka reer Somaliland laf-dhabar u yihiin hannaanka dimuqraadiyadda dalka.  Guddoomiyuhu waxa uu iftiimiyey muhiimada xisbinimada lagu midoobaa leedahay iyo waajibaadada ku tacaluqa, waxaannu yidhi, “Xisbinimada ayuun baa wax lagu noqon karaa, xisbinimada waa in qabaa’ilka lagaga baxaa, waa in la kornaa oo aynu gobollo u tartannaa. Xisbinimadu waxay leedahay waajibaad iyo xuquuq, inaad taladaada meelmariso oo aad meel doorato, inaad fikirkaaga iyo taladaada tijaabisid waa xuquuqaha aad xisbiga ku leedahay, adigana xuquuq baa lagugu leeyahay, kow waxa ah inaad qaadhaanka xisbiga bixiso, waayo xisbiyadu waxay ku socdaan qaadhaanka dadka wada leh oo noqonaya sida shirkad lagu midoobay, KULMIYE 260 kun (laba boqol iyo lixdan kun oo qof) ayaa u codeeyey doorashadii u dambaysay, hadday bishii min hal doollar bixiyaan waxay dalka ka hirgelin karaan mashaariic waawayn, gobol walba mashaariic shaqo la’aanta lagaga bixi karo ayaa laga samayn karaan, xisbi walbana saddexda xisbi waa caynkaas, markaa awooddan aynu u baahannahay ee ina dhibtay meel gaabban ayey taal marka wax aan badnayn la isku gays-gaysto. Waxa kaloo xisbigu kugu leeyahay inaad ilaaliso xisbinimada oo aad shuruucdiisa ilaaliso oo dadka aad ku walaalowdaan xisbinimo ka jooga Saylac ilaa ka jooga Badhan, markaa waad ka waynaanaysaa gobolnimo.” Waxa kaloo tilmaamay muhiimada diiwaangelinta codbixiyayaashu leedahay, isagoo u caqli-celiyey dhallinyaro la sheegay inay ka soo horjeedaan is-diiwaangelinta, “Waxaan maqlay dhallinyaro badan oo rag iyo dumarba leh ayaa uga jooga diiwaangelinta iyagoo yidhaa faraha ayaa nalaga qaadayaa oo markaanu Yurub tagno ayaa nalagu soo saarayaa, waxaan leeyahay taasi waa ra’yi khaldan, waa marka koowaade faraha halkan lagaaga qaadaa meelna ma tagayaan ee qarankaa leh oo lagu kaydinayaa, waa ta labaade faraha waddankaaga lagaaga qaadaa dambi maaha oo waxaad tahay qof muwaadin ah oo hawshiisii gutay, waata saddexaade dalka kuwa idinla da’da ah ee furinta jooga ee ciidamada ah iyo kuwa booliska ah ee nabadgalyadeenna ilaaliya maalin walba way u dhintaan oo dhiig bay u daadiyaan dalka oo naftooda ayey u huraan, markaa ninka dhallinyarada mutacallinka ah ee leh anigu fartayda ayaan la baqayaa oo Yurub baan tagi doonaa, xaq maaha in nina dhiigga u daadiyo dalka, ninna codkaaga bixi oo isdiiwaangeli uu diido, markaa qiimaha waddaniyadu leedahay intaas ayaan ka tusayaa dhallinyarada.” Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in bahwaynta xisbiga KULMIYE u siman yihiin isaga ciddii u codaysay iyo ciddii diidayba, isla markaana uu xisbiga ku hoggaaminayo dariiqa Madaxweyne Siilaanyo jeexay,  “Waxaannu u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo inoo horseeday sunne wanaagsan oo Afrikaba ku yar, oo ay tahay in lagaga daydo, waxaannuna leenahay aragtidaa aad KULMIYE ku hoggaamisay ayuun baanu wadi doonaa oo inoo noqon doona waddo Isha Allaahu.” “Doorasho walba iyo shir xisbi oo la galaba waxoogaa xanaf ah baa ka dhasha, waxay ila tahay in aannu taana soo ururin doono, KULMIYE wuu yaqaanaa siduu u xakameeyo dhibaatadiisa, markaa waxay ila tahay ciddii cadho ama dudmo ku maqan sidii ayuun baynu innagu u raadinaynaa oo KULMIYE waa wada KULMIYE. Aniga kii ii codeeyey, kii aan ii codayn iyo kii iga xanaaqay waa ii wada KULMIYE oo xuquuq siman ayey igu wada leeyihiin,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here