Burco:(Hubaal)-Gudoomiyaha garabka toosinta ee xisbiga mucaaradka ah ee waddani marwo hinda jaamac xirsi (Gaani) oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa iyada oo bulshadii soo dhawaysay la hadlaysay waxa ay ka jawaabtay warar sheegayaa inay xubnihi garabka toosinta Xisbiga Waddani iska casileen xubinamadii xisbiga waxaana arinkaa ay ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin.
Marwo Hinda waxa ay sheegtay inaanay iska casilin xilkii iyo xubin-nimadii ay xisbiga WADDANI ka haysay, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi,”ma jirto wax is casilaad ah oo aan sameeyay maan qorin wax qoraal ah manaan odhanin intaan warbaahinta is dhex taagay waan is casilay taasi waxay markhaati ka tahay inan ahay xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga waddani”
Gudoomiyaha Garabka Toosinta Xisbiga WADDANI, ayaa Sheegtay Inay Qaadatay Mowqifkeeda Ku aadan xisbiga ee ay aragtay inanay sidaa ku sii socon karayn balse waxa ay hoosta ka xariiqday inaan wax is casilaad ah oo ay gudbisay aanay jirin.
Hadalka kasoo baxay marwo Hinda Jaamac Gaanni, ayaa ka dambeeyey qoraallo kasoo baxay xisbiga WADDANI oo lagu sheegay inay laba xubnood oo ay ku jirto ka aqbaleen is-casilaad ay gudbiyeen, balse marwo Hinda waxa ay beenisay inay wax iscasilaad ah u gudbisay hoggaanka xisbiga, waxana ay ku adkaysatay inay xilkeedii hayso.