Hawlgal Culus Oo Ay Ciidammada Bilaysku Hargeysa Ka Fuliyeen Oo Lagu Soo Qabtay Rag Lagu Raad-joogay Oo Xamar Ka Yimi

0
99

Midkood Waxaa Laga Qabtay Masaajid-ka MULAC, halka Shan Kalena Laga Soo Qabtay Aqal Ay Ku Jireen

 

Laamaha Amniga Oo Dhaqdhaqaaqa Raggan La Socday Markii Ay Madaarka Kasoo Degeen Illaa  Gacanta Lagu Dhigay Ayaa Lagu Eedeeyey Xagjirnimo Ku Xidhiidhsan  Shabaab Iyo Daacish

 

 rru1

Hargeysa (Hubaal) Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa lagu waramayaa inay Khamiistii lix nin oo lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Alshabaab ku qab qabteen magaaladda Hargeysa. Lixda Nin ee la qabtay ayaa la sheegay inay dhawaan ka soo dageen madaarka Hargeysa, iyagoo ka soo kicitimay Somaliya, waxaana ku raad joogay ciidamadda Amniga, kuwaas oo markii danbe qab qabtay. Lixda Nin ayaa lagu qab qabtay degmadda Ibraahim Koodbuur, halkaas oo kii ugu horeeyey laga qabtay masaajidka Mulac, halka sida warku sheegayo kuwa kale-na laga qab qabtay guryo ay ku jireen. Dhacdadan oo ahayd khamiistii galinkii danbe ayaanay illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Booliisku toona ka hadal, hase yeeshee waxa aad looga dareemay xaafaddaasi markii uu hawl-galku socday. Al-shabaab ayaa dhawaan hanjabaado usoo marisay warbaahinta Somaliland, iyagoo ku eedaynayey gabdho qurbajoog ahaa oo ay xukuumadda Somaliland u dhiibtay afar dal oo kala ah Ingiriiska, Maraykana, Denmark, kuwaas oo xukuumadda Somaliland ku eedeeyey hablahaas inay six un loogula dhaqmay Somaliland.

Xigasho: Waaheen.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here