Hay’ad Caalami Ah Oo Dhaliishay Nidaamka Garsoorka Dalka Oo Ay Musuq-Maasuq Ku Eedaysay Iyo Jawaabta Dawladda Somaliland

0
51

“Kiisaska kufsiga dawlada ayaa muduci ku ah, annagana weli waa eedeysane dhinacayaga, ninka la leeyahay waa la xidhay oo dabadeedna la sii daayey waxba kama jiraan…” – Yaasiin Maxamuud Jaamac, Xeer-ilaaliyaha Gobolka Sanaag

Rome/Hargeysa (Hubaal)- Hay’adda ActionAid, ayaa nidaamka Garsoor ee Somaliland ku tilmaantay mid musuq-maasuq hadheeyey, isla markaana loo baahan yahay in xal laga gaadhay saamaynta xeer-dhaqameedku ku yeeshay Fulinta iyo u hoggaansanaan xukunnada ka soo baxa Maxkamadaha Somaliland.

ActionAid-Logo-IIIEedaynta hay’addani u jeedisay Garsoorka Somaliland, waxay kaga hadashay Xukun ay sheegtay inuu ka soo baxay Maxkamadda gobolka Sanaag oo lagu fuliyey nin Kufsi u geystay gabadh Sagaal jir oo markii dambe u dhimatay Dab is-qabadsiiyey bishii January ee sannadkan.

Sida aanu ka soo xigannay war dhacdadan ku saabsan oo lagu baahiyey warbaahinta caalamka qaarkood oo xog-warran la yeeshay saraakiil sar-sare oo hay’adda ActoinAd ka tirsan, ayaa lagu sheegay in Dambiilaha Falka geystay lagu xukumay Siddeed sanno oo xadhig ah balse la sii daayey markii dambe loo sii daayey heshiis dhexmaray Odayaal ka soo kala jeeda labada beelood ee Dhibanaba iyo dambiilihii falka geystay.

Sida warka lagu sheegay Gabadha yar oo magaceeda lagu soo gaabiyey Hoodo, ayaa bishii January ee sannadkan Is-gubtay kaddib markii ay tahli dhibaatooyin ka soo maray falkaas Kufsiga ah, in kasta oo sababta dhimashadeeda baadhitaanka booliiska lagu sheegay inuu ahaa shil, balse hay’adda ActionAid ayaa sheegtay inaanay ka hadhi doonin, isla markaana u mari doonaan dariiqa sharciga.

“Dembi kasta oo ciqaab la’aan keena waxuu muujinayaa kala duwanaanshaha maamulka, odeyaasha, culimada, marka laga yimaado xanuunka uu dareemayo dhibanahu. Hoodo iyo dumarka kale waxay dalbanayaan cadaalad,” Sidaas waxa yidhi Marco De Ponte, Xoghayaha guud ee ActionAid oo u warramayey Reuters.

“Hay’adda ActionAid waxa ka go’an taakulaynta dhinaca sharciga, caafimaadka iyo nafsiyan dumarka dhibanayaasha ah, isla markaana ku cadaadinayaan xukuumada Somaliland iyo nidaamka garsoorka musuqmaasuqa ah inay bedelaan caadada in eedeysanayaashu xasaanad helaan, isla markaana hubiyaan in dadka dembiyada ka gala dumarka maraan ciqaabta ay mutaystaan.”

Haseyeeshee, waxa warkan beeniyey isla markaana waxba kama jiraan aan xaqiiq ku fadhiyin, hay’adduna aanay waxba ka weydiinin Garsoorka dalka ku tilmaamay Xeer-ilaaliyaha Gobolka Sanaag, Yaasiin Maxamuud Jaamac oo sheegay inaanay gacanta ku haynin Ninka falkaas geystay ilaa immikana dhinacooda kiiskii dacwadaa hayaan, oo marka la qabto lagu qaadi doono.

Xeer-ilaaliye Yaasiin Maxamuud oo wargeyska Himilo wax ka weydiiyey arrimaha la xidhiidha kiiska gabadha, ayaa sheegay inuu dhacay xilli dhowr sanno ka hore, “Kiiskaasi sannado hortood ayuu dhacay, markii Ceerigaabo aan tegay waxaan la kulmay dhinacyo dacwad madani ah isku haysta dhaawacyadii soo gaadhay gabadha, markaan galkii dacwada baadhay waxaan ogaaday inaan weli eedeysanahii la qaban. Kiisaska kufsiga dawladda ayaa muduci ku ah, annagana weli waa eedeysane dhinacayaga, ninka la leeyahay waa la xidhay oo dabadeedna la sii daayey waxba kama jiraan.,” Ayuu yidhi xeer-ilaaliye Yaasiin. Waxaanu raaciyey. “Inantu waxay geeriyootay iyadoo dacwada madaniga socoto, baadhitaankii aan u diray booliiska waxay ii soo cadeeyeen in dhimashadeedu sababtay dab qabsaday xilli ay shidaysay, oo hooyadeed iyo dadkii ugu soo horeeyey sheegeen, iyaduna sheegtay intaanay dhiman.”

Sidoo kale, wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo masuuliyiinta hay’adda ActionAid xafiiskooda Hargeysa caddeymaha eedaha musuqmaasuqa ee ay u jeediyeen nidaamka garsoorka Somaliland, ayaa ka gaabsaday inay gebi ahaanba ka hadlaan arrintan.

source:Himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here