Hay’ad Waaxda Fulinta Ka Tirsan Oo Shalay Anshax Marisay Hawl-wadeenno Ka Habsaamay Saacaddii Loo Asteeyey In Shaqada La Galo

0
56

“Saacaddu Markay Ahayd 7:30 Am Ayaanu Albaabka Xidhannay Sababtuna Waxay Ahayd   Si Loo Qabto Adeeg Hufan In La….”

 

Hargaysa (Hubaal)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay tallaabo ay ku anshax marisay qaar kamid ah shaqaallaha wasaaraddaas oo ka habsaamay xilligii subaxa la soo galayay shaqada  oo dib uga dhaceen. Kuwaas oo shalay subax laga xidhay albaabka hore ee laga galo dhismaha wasaaradda sidaasina ay ku seegeen shaqadii shalay.  Warku waxa uu intaa ku daray in Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada Dr. MaxamedCabdi Xergeeye oo arrintan  warbaahinta uga warramay uu ka hadlay   sababta keentay in shaqaalaha wasaaradda albaabka ay  ka xidhaan waxaana uu yidhi “Markii Saacaddu ay ahayd toddobadii iyo badhkii ayaanu xidhnay Albaabka Sababtuna waxa ay ahayd   digniin aanu u dirayno shaqaale waynaha ka hawl galo wasaarada caafimaadka,  in la ixtiraamo wakhtiyadda shaqadda si loo qabto adeeg hufan”. Sidaasi ayuu yidhi Dr. Xergeeye Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo dhawaan isagu la wareegay xilka wasaaraddaas, waxaana uu intaa ku daray “Shaqaalaha wasaarad caafimaadka Somaliland waxaan ogaysiinayaa in dhammaantood laga doonayo in ay shaqadda soo galaan toddobada subaxnimo,lagana baxayo labada duhurnimo,markaas qofkii ugu dambeeyaa waxa uu shaqadda soo galayaan toddobada iyo rubuc,waa in la ixmtiraamo markaas wakhtiyadda shaqadda iyo hawlaha qaranka loo hayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here