Hargeysa:(Hubaal)-Hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Maalmihii ugu dambeeyey Safaf dhaadheer ugu jirey Hadhimooyin lagu maamuusayo Wafti ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo Dalka Ku sugan, kuwaas oo la filayo inay Ayaamaha soo socdana sii socon doonaan.
Inta Badan Wasiirrada kala duwan ee Xukuumadda, ayaa casuumadaha ay waftigan u samaynayaan soo ogaysiiyey, waxana Gebi ahaanba ay waftigan Casuumadaha ugu yimi Xubnaha golaha wasiirrada heli doonaan Toddobaayada soo socda, gaar ahaan Habeenkii iyo maalintii, iyadoo Cuntooyinkana laga dalbanayo Huteellada Magaalada ugu maciishada qaalisan, waxana halkaas lagu burburiyey malaayiin lacag ah oo dadkii lahaa baahi badan u qabaan.
Tiro badan oo wasiirro oo uu wasiirka Warshaduhu ka mid yahay Waftigan casuumeen, waxana Habeen tii ugu dambaysay u sameeyey masuuliyiinta Dawladda hoose ee Hargeysa, waxana halkaas la isku weydaarsaday Hadallo kaftan u badan oo labada dhinac isku marxabaysiinayeen.
Lacagaha Wasiirradu ku casuumayaan, ayaanay jirin cid daba gashay, waxase Hubaal ah in khasnadda dawladda laga soo saaro, iyadoo aanu jirin hal masuul oo isagu casuumaddan ka samaynaya Jeebkiisa.
Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale ee Waftigan Casuumadaya, aan ku ekaan oo kali ah Xubnaha ay casuumaan, balse waxa ay soo kaxaystaan Dad tiro badan oo siyaasiyiin ay si gaar ah saaxiib u yihiin u badan, waxana muddo saacado gudahood ah halkaas lagu lumiyaa Lacago dadkii xaqa u lahaa macaluul badaha iskugu tuurayaan.
Caadada noocan oo kale ayaa dalka kusoo badanaysa, waxana inta badan Golaha Wasiirradu dhaqan ka dhigteen inay Casuumaan Waftiyada dalka yimaadda, gaar ahaan kuwa ka yimaadda Dalka Ethiopia, iyadoo marka Wufuudeennu tagaan waddamada kale aan la arkin Casuumadaha noocan oo kale ah ee ay iyagu sameeyaan.
Guntii waxa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)inuu Wasiirradiisa ka jaro dhaqanka noocan oo kale ah, isla-markaana lacagaha Mano-darrada ku baxaya lagala xisaabtamo Wasiirrada Isbarashada iyo isa soo saarida u jeellan.