Hargeysa (Hubaal) Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayadoo gudanaysa waajibka caddaynta xaqa iyo difaaca diinta iyo danaha ummadda, waxay ka soo saartay weerarkii foosha xumaa ee jaamacadda Gaarisa bayaanka hoos ku xusan:
1-Hay’addu waxay u tacsiyaynaysaa xukuumadda , shacabka Kenya iyo dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray weerarkaas waxash nimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawaca dhammaantood caafimaad deg deg ah.
2- Hay’addu waxay caddaynaysaa in ficilkaasi kasoo horjeedo diinta islaamka, akhlaaqda muslimiinta iyo dhaqanka soo jireenka ah ee soomaalida.
3- Ujeedada ficilkaas guracan waa culaad laga dhax aloosayo dadka wada degan , marka waa in laga digtoonaadaa in dabinkaas lagu dhaco , waana in la xoojiyaa wada noolaashaha iyo nabadda.
4- ficiladaasi abtiris diimeed ama dadeed midna ma laha , cidna uma turayaan , marka waa in layska ilaaliyo ficiltanka iyo siyaasadaha u sahlaya in ay gabaad helaan.
5- Hay’addu waxay u soo jeedinaysaa hogaanka siyaasadeed ee dalka Kenya in dhacdooyinkaas aysan saamayn ku yeelan qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.
6- waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda, diinta iyo bulshda ee labada dal in la iska kaashado sidii loo xoojin laha nabdda loona ilaalin lahaa danaha guud .
Wabilaahi Towfiiq
Hay’adda Culumada Soomaaliyeed
Golaha Fulinta
Muqdisho- Soomaaliya