Hay’adda Qurba-joogga Somaliland oo Qabsatay Shir Sanaddeedkeedii 4aad

0
13

Shir ay iskugu yimaadeen bulshada qurba-joogga Soomaalilan ee ka kala yimid daafaha dunida ayey maanta Hay’adda qurba-jooggu ku qabatay hudheelka Karaawn (Crown Hotel) magaaladda Hargeysa.

Shirkan oo ahaa shir sanaddeedkii 4aad ee ay Hay’adda Qurba-joogga ee uu Hogaamiyaha ka yahay C.C.laahi Hersi Dayax-Weerar ay u qabatay qurba-joogga Somaliand, oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin heer qaran ah iyo aqoonyahano, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga, ayaa wuxuu ahaa mid ka duwan shir sanaddeedyadii  hore ee noociisa. Shirkan oo u jeedadiisa ugu wayn ee ay Hay’addu u qabatay ay ahayd, in abaal-marin lagu gudoonsiiyo shakhsiyaadka qurba-joogga ah ee maalgashiga ku sameeyey waddankooda, ayaa waxa uu u dhacay sidii ugu qurux badneyd ee loo qabto abid shir noociisa ah.

Waxa halkaas lagu gudoonsiiyey shahaadooyin abaal-marin ah (Somaliland Diaspora Achievement Award) in kabadan200 oo qof oo ka mid ah ganacsatada qurba-joogga tiradda badan ee waddanka maal-gashaday iyo shakhsiyaad u dhaqdhaqaaqa arrimaha iyo danaha bulshada Somaliland. Waxa kale oo iyadna ka soo qayb-gashay hay’adda IOM.  Waxa su’aalo iyo talooyin wax ku ool ah halkaa ka soo jeediyey xubno ka mid ah marti sharaftii goobtaa iskugu timid. Waxa iyaguna talo iyo tilmaamo miisaan leh dadkaas sida roobka  ugu sii daayey masuuliyiintii iyo aqoonyahankii shirkaa ka soo qayb-galay ee panel ka fadhiyey oo uu ugu horeeyo, Dr. Sacad Ali Shire, Dr. Xuseen Bulxan, Axmed Faarax Cadare, Dr. Fadumo Xashi, iyo xubno kale.

Shirkan oo ku dhacay jawi dagan islamarkaana ay aad ugu faraxsanaayeen marti sharaftii ka soo qayb-gashay, ugu horeyn waxa qudbado dhiiri-galin, haggis iyo amaan xambaarsan u jeediyey gud. Hay’adda Qurba-joogga, Mudane C.C.laahi Hersi Dayax-weerar, Adan Hersi oo ka mid ah qurba-joogga maalgashiga ku sameyey waddanka, Marwo Dr. Faadumo Xaashi oo ah aqoonyahan qurba-joogga, mudane Siciid Guuleed oo madaxa hay’adda IOM ee Somaliland, Dr. Sacad Ali Shire, Wasiirka W. Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Xuseen Bulxan oo ah aqoonyahan ku suntay taariikhda Somaliand, Wasiirkii Hore ee Cadaaladda, Axmed Faarax Cadare. Iyaga oo dhamaantood amaan iyo boogaadin u soo jeedieyey hawsha adag ee ay Hay’addu hayso, talooyin iyo tusaalayn ku saabsan sidii ay qurba-jooggu ugu guulaysan lahaayeen maalgashigooda iyo dhex-galka bulshada qaran-joogga Sl.

Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga, Mudane C.C.laahi Hersi (Dayax-weerar) oo furay shirkaas, oo mahadnaq balaadhan u jeediyey bulshadii qurba-joogga ahayd, masuuliyiintii iyo aqoonyahankii shirkaa ka soo qayb-galay,  waxa uu halkaa ka jeediyey khudbad dhiiri galin ah, waxana uu ku dheeraaday waxtarka qurba-joogga.

Dr. Sacad oo halkaa ka jeediyey qudbad ay ku dheehan tahay waayo arragnimo, aqoon iyo xirfadda la hadalka wanaagsan ee dadka, ayaa waxa uu soo bandhigay daraasad guud oo uu ku sameeyey qurba-joogga Somaliland. Wasiirka oo laabta u qaboojiey qurba-jooggii halkaa iskugu yimid ka dib markii uu sheegay in isaga naf ahaantiisu uu ahaa qurba-joogg, isla markaana ay hadaladisii ka mid ahaayeen, “dhamaanteen waxaynu anahay qurba-joog” waa siduu hadalka u dhgaye, waxyaabihii uu khudbaddiisa kaga hadlay waxa ka mid ahaa 3 arrimood: Ahmiyadda qurba-jooggu waddanka u leeyahay taas oo uu si balaadhan uga hadlay; baahida loo qabo in la aqoonsado bulshada qurba-joogga iyo waxtarkooda isaga oo kana hadlay waxyaabaha ay u baahan yihiin islamarkaana ay tahay in dawladda iyo hay’addu Qurba-joogguba ka taageerto; iyo waajibaadka ka saaran qurba-joogga laftooda waddanka JSl ee ay u dhasheen.  Isaga oo qodobkan ugu dambeeya ku nuux nuuxsanayana waxa hadalladiisii ka mid ahaa, “ Idinkana, qurba-joog ahaan waxa idin ka saaran masuuliyad dalkiina. Waa inaydun sii wadaan ku xidhnaanshaha dalkiina, gaar ahaan caruurtiina ee wadanka si ay iyaguna barito u sii wadaan inay dadkooga wax u soo diraan.” Isaga oo dhinaca maal-gashiga ka hadlayana waxa uu yidhi, “ha u maal-gashanin waddanka adigoo eegaya uun 4ta milyan ee reer Somaliland, laakiin maskaxda ku haya 300 oo milyan oo jaarkeena ah.” Waxa kale oo uu wasiirku ku dardaaray in xiliyadda gaaban ee ay fasaxa u yimaadaan ay waddankooda ku caawiyaan aqoonta, xirfada iyo waayo aragnimadooda si mutadawacnimo ah.

Waxa iyaguna halkaas su’aalo iyo talooyin ka soo jeediyey dadkii shirkaas ka soo qayb-galay ee isku jiray ganacsato, iyo ururrada bulshada, sida Amoud Foundation, xirfadlayaal iyo aqoonyahanka. Dadkaas oo dhamaantood ahaa qurba-joog waxyaabihii ay ka sinaayeen ee ay carabka ku wada dhufteen waxa ugu waynaa ee ay ka cabanayeen inaanay haysanin wax ‘hagis’ ah (investment guide). Taasoo ay sheegeen inay inta badan ku fashilmaan ganacsiyada ay furaan taasoo ay sabab uga dhigeen aqoon la’aanta xaaladda ganacsi ee waddanka.

Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiintii iyo aqoonyahankii badka (panel) fadhiday waxay si hagar la’aan ah uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen dadkaasi. Waxana ay u jeediyeen talooyin ganacsi iyo mid bulshaba. Waxa iyadna xusid midan in aqoonyahankii halkaa talooyinka wax-ku-oolka ah uga soo jeediyey qurba-joogga uu ka mid ahaa Dr. Xuseen Bulxan, oo tusaalooyin xambaarsan qisooyin cajiiba uga waramay, isaga oo uga gol lahaa bal sidii ay qurba-jooggu wadanka ula qabsan lahaayeen, waxana hadalladiisii ka mid ahaa, “ waxaydun u baahan tihiin inaydun ka soo baxsaan jaamacada waddanka,” taasoo uu ula jeeday in ay muhiim tahay inay bartaan dhaqanka waddanka ka jiray, oo ah mid inta badan aad u qalooca oo ka duwan kii ay soo arkeen.

Shirkani waxa uu ka duwanaa shir sanaddeed yadii hore ee noociisa ahaa ee hay’addu qaban-jirta, isaga oo ahaa mid lagu gudoon siinayo Shahaado Abaal-marin ah qurbajoogga waddanka maal-gashaday oo kaliya, halka kuwii hore ay ahaayeen xafladdo lagu soo dhawaynayo qurba-joogga laguna maamuusayo maalinta qurba-joogga (Diapsora Day). Ugu dambeystiina shirkaas oo bilaabmay 8:00AM dhamaadayna 3:00PM, waxa lagu soo gabagabeeyey gudoonsiintii shahaadooyinka ee qurba-joogga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here