Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Imtixaan Kusoo Xushay Dirawalliin Xirfadooda La Bilkeeday Iyo Guddoomiye Shar’ma’arke Oo Ka Hadlay

0
108

“Guulaystayaashu Waxay Kasoo Dhex Baxeen Tartamayaal 20 Ahaa, Kuwaas Oo Galay Tartan Dhinacyo Badan Laga Eegay, Waxaanay Ka Hawlgeli Doonaan Hay’adda Shaqaalaha”

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay soo na bandhigay Xirfadlayaal Dirawaliin noocyadda Gaadkiidka wadistoodda bartay oo Imtixaan ay dad badan la galeen ku guulaystay Shihaaddada Baabuur wadistana lagu siiyey. Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Shalay soo bandhigay tafaasiila ka bixiyey  in taariikhda markii u horaysay Shaqaale Xirfadlayaal muwaadiniin reer Somaliland oo tiraddoodu dhantahay 20 Dirawal, ay si Caddaaladda Imtixaan ay si wada jira uga qaadeen Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinka ee Somaliland ay ku guulaysteen kana soo baxeen  6 Darawal oo ay qaadatay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaanu mr Sharmarke ka hadlay dedaalka iyo hayaanka Caddaaladda iyo Shaqo abuurka ee Aqoonyahanka Jaamiciyiinta iyo Xirfadlayaasha shacabka reer Somaliland ay Hay’adda Shaqaalaha dawladdu ku sugayso inay Imtixaan aan Eexasho iyo Dhabar taabasho lahayn ay ku buuxin doonaan hadba wixii shaqooyinka ka banaanaadda hay’addaha dawladda. Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey Tiradda ku guulaysatay Imtixaan ay u galeen 20 Darawal shaqooyin ka banaanaana Hay’adda shaqaalaha waxaana uu yidhi “ Waxay ahaayeen Xirfadleyaal si Xarago iyo Xaafad la’aan ah Xalaal guul ku Xasladay, waxaa soo idlaaday dhajinta natiijada tartan xirfadleyaal “Darawalo” ay u tartameen kaalmo shaqo oo ka banaanaa hay’adda shaqaalaha dawlada JSL, guulaystayaasha oo tiradoodu dhammayd 6 ayaa ka soo dhex baxay tartamayaal 20 ahaa, kuwaas oo galay tartan dhinacyo badan laga eegay sida”.

= Diyaar garowga iyo Feejignaanta Darawalka

= Dib u socodka

= Dalcadaha

= Calaamadaha Waddo Marista

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Imtixaan qaadayaasha oo ka kala socday Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada ayaa ugu dambayn soo saaray natiijada guulaystayaasha, waxaana Illaahay mahadii ah in aan dedaal weyn ugu jirno in cid walba hesho fursad Caddaladeed iyadoo ilaa imika tartan loo galay dhinacyo kala duwan sida”

*Shaqooyinka Qalinlayda ee Dawlada

*Dhalinyarada ku nool Gobolada Dalka

*Deeqaha Waxbarasho ee Shaqaalaha Dawlada

*Shaqooyinka Xirfadleyaasha ee Dawlada.

Guddoomiye Sharmarke Geelle waxa uu ugu dambeyntii inta raaciyey  “Arintan ayaa noqon doonta mid fursad siisay ka sakow qalinlayda in ay xataa xirfadleyaashii helaan tartan furan oo Caddaaladeed, taasi oo ku keentay dareen farxadeed in ay kalkooda wax ka heleen fooraha caddaalada, waxaan u mahadcelinayaa masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha, imtixaan qaadayaasha ka socday W/H/Guud iyo Ciidanka Illaalada nabadgelyada Waddooyinka oo dhamaantood gacan muuqata ku lahaa tartankan, waxaan hayaan ugu jirnaa jidka dheer ee loogu jiro Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here