Guddoomiyaha Oo furay Shir Lagu Habaynayo Tirada, Tayada Iyo Aqoonta Shaqaalaha Dawladda
Hargeysa (Hubaal) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey gaar ahaan sannadkan 2017-ka waday Qorshaha heer qaran kor loogu qaadayo tayadda shaqaalaha kala duwan ee Somaliland laguna hubinaayo tiradooda iyo tayadooda, ayaa Hargeysa ku qabatay kulan qorshahaadi sidii dalka guud ahaan looga bilaabi lahaa u qabatay Madaxda Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dalka ee kala duwan. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geele, ayaa shalay Magaaladda Hargeysa ku daahfuray kulan halweed ay ka soo qaybgaleen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda dalka, Mareeyayaasha Hay’ddaha kala duwan iyo Agaasime waaxeedyadda dalka, waxaana shirkaasi sida uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay uu sheegay in lagaga wada tashan doono qaabka dalka looga bilaabayo Barnaamij balaadhan oo Hay’adda shaqaalaha dawladdu hormuud ka tahay ee Diwaangelinta Tiradda, Tayeynta iyo Aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dawladda Somaliland ee deegaanadda dalka ka hawlgala, waxaanu Md Sharmarke in barnaamijkan looga dan leeyahay sidii loogu kala hufi lahaa shaqaalaha waajibkooda qaran ee shaqo guta iyo kuwa Caaglaha loo yaqaano ee lacagta mushahaarka fadhiga sifaha sharciga baalmarsan loogu qaato. Md Sharmarke Axmed Muxumed Geele oo shalay Hargeysa ku daahfurayey Barnaamijkan kor loogu qaadayo tayadda iyo aqoonta shaqalaha dawladda isla markaana lagu diwaangelinaayo waxa uu yidhi “Inaga oo maanta kulan hawleedkan ku furan doona si aynu uga wada hadalo bilawga qorshaha madaxtaabashadda shaqaalaha kala duwan ee dawladda qaranka Somaliland, mudanayaal sida aad la socotaan shaqaalaha kala duwan ee ku filiqsan dhamaan daafaha deegaanadda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan waxay inooga baahan yihiin in aynu tirino si ay tayeyntooda, la talintooda, kor u qaadistooda iyo tababaristoodu iyo u dhug yeelashadda xaaladahooda mid walba aynu u ogaano , waxa laga ma maar maan ah in aynu xogtooda doono, waxa la yidhaahda war la helyaaba talo la hel, marka aynu doono warka shaqaalaha dawladda ee soo madax taabana isla markaana aynu ka qaadno diwaangelin u suurto gelinayn in oo qofka shaqaalaha dawladda ahi meel 2aad shaqo kale iska qoro oo waa in aynu faraha iyo Indhaha ka qaadno” Sharmarke Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu qaabka loo filinaayo barnaamijkan sii faahfaahinaaya waxa uu yidhi “Waxa inoo suurto geli doona ka sakow in aynu helo waxa loo yaqaano Caaglaha ama qaybaha kala duwan ka mushahar qaata, ka sakow in aynu soo helayno kuwa, waxa ka weyn in aynu hubino kuwa soo in aynu xog baadi doono, waxaynu baadi goobeynaa shaqaalaha dawladdu imisa da’ah oo u baahan in aynu nasino, imisa Raga imisa ayaa Dumar ah, aqoon maxay leeyihiin oo tababar iyo xirfad maxay leeyihiin ee guno iyo hawlo maxay rabaan Abaalmarin iyo Anshax marin siday u helaan, qorshayaashan oo dhan markaynu soo ururino waxay inaga caawin doonta in aynu marka diyaarino kii walba ee aynu xogtiisa soo helo ee diyaar garawgiisii iyo hagaajintiisii iyo siyaasad u sameyntiisii, marka saaka waxaan iskugu kiin yeedhay in aynu kulankan kaga tashano” Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geele ugu dambeyntii waxa isaga oo shaqaalaha dawladda u baaq u dirayey inay barnaamijkan lagu tayeynaayo u diyaar garoobaan waxa uu yidhi “Dhawaan Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay u bixi doonta wacyi-gelinta shaqaalaha dawladda ee goboladda Somaliland, waxaana barnaamijkan yahay si ay Hay’adda shaqaaluhu ay u sii wargeliso shaqaalaha dawladda, waxaynu ka tashan doona gobol walba maalinta aynu joogno in la yidhaahdo shaqaale maxa inoo jooga hanaanka loo kormeeri karo iyo filiqsanaantooda iyo halka ay kala joogaan ayeynu u kuurgali doona waxaana arimahaasi xogo badan inaga siin doona masuuliyiinta gacanta ku haya qayb kasta wakhtigeeda iyo sida aynu ugu shaqeyn doona, gebo gebada shirkeenana halkaasi ayuu ku soo ururi doona in aynu kaga tashano arimahaa, waxaanan farayaa dhamaan shaqalaaha dawladda ee kala duwan ee fariintaydanu gaadhayso inay diyaar garawga hawshan sii galaan oo xogtooda iyo aragooduba muhiim yahay in qof kasta oo shaqaale dawladdeed ahna la helo oo la taabtaana ay muhiim tahay kobcintiisa iyo wixii ka dhiman diyaarintiisaba, mudanayaal maaha oo kaliya mashruucani iyo hawsha aynu qaban doona inay eeganayso ama Indhaha ku hayso Caagle laba meelood ka mushahar qaadanaaya, laakiin waxaynu xooga saari doona oo aad u eegi doona baahiyaha rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda markaynu u tagno aynu sahamin doono guud ahaan kulankeenani inta aynu joogno intaasi ayeynu daaranaan doona gebo gebadana waxaynu soo saari doona jidka halka loo saari doono”