Hay’adda Sirdoonka Maraykan Oo Shalay Baahisay Dhukumentiyo Uu Usama Ben Ladin U Diray Axmed Cabdi Godane

0
93

“Nuxurka Boqolaal Farriimood Oo Ay Ku Jirto Magaca Madaxweyneyaal Uu Dalbaday In Al-shabaab Khaarijiso “

Washington (Hubaal-W/wararka) – Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa Markii ugu horraysay baahisay Document-yo iyo qoraal muhiim ah oo ciidamadoodu kasoo qabteen aqalkii lagu dilay Hoggaamiyihii hore ee Al-qaacid Usama Ben laden. Dukument-yadaasi oo ka koobnaa in ka badan 400 oo farriimo, buugaag, warbixinno Cilmi-baadhis iyo Dukumentiyo kale, waxana lagu baahiyey baraha kala duwan ee Warbaahinta Caalamka. binladen&godaneMaraykanku waxa ay sheegeen in Dukument-yadda laga soo qaaday Dhismihii lagu dilay Usaama Bin Ladin in haatan lagu xafidayo Khaanadaha Buugaagta ee Xafiiska Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Maraykanka oo isagu soo bandhigay Dukumentiyaddaasi. Maraykanka waxay sheegeen in Dukumentiyadda la qabtay ku jireen Qoraal uu Bin Ladin u diray Hoggaamiyihii Alshabaab, Sheekh C/raxmaan Abu Zubeyr, taasi oo uu Bin Ladin kaga hadlay qoddobo badan oo muhiim ah. Hadaynu soo koobna Turjumaadda ay Maraykanka ku sameeyeen qoraalkaasi oo ilaa 7 bog ah ayaa waxa uu Bin Laden si gaar ah uga hadlay:-

Hawlgalka Dagaal ee ay Alshabaab kula jiraan Ciiddamadda AMISOM,

Xoojinta Garsoorka iyo Nabadda,

Ololaha Wacyi-gelinta ee kaalmadda loogu ururinayey dadkii ku macluulsanaa Somalia iyo sida uu dalka Somalia ugu fiican yahay wax-beerashadda.

Bin Ladin waxa uu ku boorriyey Hoggaamiyihii Alshabaab in dagaalka lagula jiro Ciiddanka Afrika laga dhigo mid lagu weerarayo Ciiddanka jooga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo marka ay Ciiddankaasi marayaan Waddooyinka Muqdisho.

Waxaa uu ku baaqay in la badbaadiyo Muslimiinta ku sugan Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, si aanay ciiddamadda Afrikaanka u soo begsanin Suuqaasi.

“Fadlan la hadla Walaalaha Soomaaliyeed si loo yareeyo dhibaatadda dadka Muslimiinta ka soo gaadhi karta haddii la weeraro Xarumaha Ciiddanka Afrikaanka” ayuu Bin Ladin ku yidhi Qoraalkiisa ay Dowladda Maraykanka soo bandhigtay.

Sidoo kale, Waxa uu Madaxda Alshabaab ku booriyey inay ka fekeraan qorshe wanaagsan oo lagu khaarijin karo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni, si loo wiiqo dagaalladda ay Askarta Afrikaanka ka wadaan magaalladda Muqdisho.

Bin Ladin waxa kaloo uu ka hadlay in la helo Garsoorayaal carbisan, si ay gacan uga geystaan Garsoorka Ummadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin Caddaalad iyo Nabad.

waxa Qoraalkaasi Turjuman ee ay Dowladda Maraykanka maalintii shalay soo bandhigtay ayaa lagu xusay inuu Bin Ladin kula taliyey Alshabaab inay si hoose ula macaamilaan Culumadda Suufiyiinta, si looga waantoobo inay Suufiyiinta noqdaan qalab ay caddowga u aadeegsadaan dhibaataynta Halganka Alshabaab.

Usaama Bin Ladin waxa kaloo uu ka hadlay Kheyraadka uu Rabbi ku manaystay Somalia, wuxuuna ku taliyey in Ummadda lagu booriyo inay beertaan dalagyadda waxtarka leh iyo in loo balan-qaado in laga kireeyo dhulal muddo sannado ah. Waxa uu xusay in loo baahan yahay in la abuuro geedaha Istaraatijiyadda leh, sida Timirta iyo Geedaha Fruit-ka ah (Dates and Fruit Trees). Waxa kaloo uu ku taliyey in la beero Geed Qumbaha, si macaash looga helo.

Waxa kaloo uu xusay in halkii Hektar oo dhul ah oo lagu beero Geedaha Qumbaha in laga macaashayo lacag dhan 57,000 oo Dollar.

Qoraalka ay Maraykanka soo turjumeen ee uu Hoggaamiyihii Alqaacida u soo diray Hoggaamiyihii Alshabaab waxa uu Walaalaha Alshabaab kula taliyey inay ka tusaale qaataan Dhaqdhaqaaqa Islaamka ee Sudan

Wuxuuna uga digay Walaalaha ka hawlgalayo Imaaradda Islaamka ee Somalia inaanay noqonin kuwo faraha la gala Ganacsiga, si aanay u dayacin hawlaha loo idmay.

Sidoo kale, Bin Ladin waxa uu sheegay in dadka ka xoogsada Imaaradda Islaamka ay ka waalaacaan oo keliya Ammaanka iyo Caddaaladda, wuxuuna ku baaqay in la tababaro Garsoorayaala wax ku garsoora, kuna xukuma.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here