“Lacagtaas halka milyan iyo toddobada boqol ee Kun ah waxa loogu talo galay inay bixiso wasaaradda maaliyaddu, laakiin waa deyn taagan oo kala wareeggii labada wasiir kusoo beegantay, wasiirka cusubina wuu la wareegay iyada oo sidaas u taagan”
Hargeysa:(Hubaal)-Wakaallada horumarinta waddooyinka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay la ciir ciirayso deymo xad-dhaaf ah oo aanay awood u lahayn inay iska bixiso, kuwaas oo ka dhashay kharashaadka ku baxaya waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha oo ay xukuumaddu muddo sanado laga joogo bilowday.
Guddoomiyaha wakaalladda horumarinta waddooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in hay’adiisu la daalaa dhacayso gashiyo xadka dhaafsiisan oo aan intooda badan laga dhaxlay wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu hore wakaaladda gacanta ugu hayn jirey, waxana shaacinta daymahan lagu soo beegay xilli odoroska miisaaniyad sanadeedka 2017-ka maalintii shalay laga ansixiyey golaha wasiirrada.
Ugu horrayn waxa uu guddoomiye Xasan Cali Cismaan sharraxay qaddarka deynta wakaalladiisa lagu leeyahay iyo sida loogu yeeshay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“daymaha nagu taagan ee nagu soo wareegay 2015-kii, una soo wareegay 2016-ka ee weli taagani waa lacag $5000,000 (shan milyan oo dollar), waxana ay u kala qaysan tahay baanku dayn buu nagu leeyahay ka timi qalabkii aanu 2014-kii usoo iibinay waddada Ceerigaabo, qalabkaasina wuu shaqeeyaa, Shirkadaha ka shaqeeya waddada, ayaa iyaguna lacag hal milyan oo dollar ku dhaw nagu leh.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu guddoomiyaha hay’adda waddooyinku sheegay in lacago badan oo deyn ah lagaga leeyahay Daamur xad-dhaaf ah oo waddada Ceerigaabo dibadda loogu diray,“Xooggii shaqada iyo budget-kii baa kala batay oo deyntaas shaqadii socotay uun baa keentay, mashruuca kharashkiisii oo July ilaa iyo December shaqadiisii ayey ka taagan tahay deyn ilaa Hal milyan iyo badh ah, daamur laba dufcadood ahna waanu iibsanay guud ahaan isku noqday 53-kun oo foosto, ayaa nalagaga leeyahay deyn ah $1, 7, 00,000 (hal milyan iyo toddoba boqol oo kun) damur ahaan buuna u yaallaa” ayuu yidhi gudoomiye Xasan Cali Cismaan.
Waxa uu guddoomiyaha hay’adaha waddooyinku wasaaradda maaliyadda ku canaantay inaanay bixinin qayb kamid ah lacagtaas deynta ah oo ee lagu leeyahay oo lagu ballansanaa inay bixiso, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Lacagtaas halka milyan iyo toddobada boqol ee Kun ah waxa loogu talo galay inay bixiso wasaaradda maaliyaddu, laakiin waa deyn taagan oo kala wareeggii labada wasiir kusoo beegantay, wasiirka cusubina wuu la wareegay iyada oo sidaas u taagan.”
Guddoomiyaha hay’adda waddooyinku waxa uu xusay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo lacagahaas lagu bixinayo, isaga oo intaas ku daray in haddii la bixin waayo ay dhibaato badani ka dhalan doonto,“Deymaha kale waa wax xafiiska ku baxay iyo xuquuq shaqaaluhu sheegteen deyntaasi waa mid shaqo ku maqan, xafiiskana deyn bay ku tahay oo dadkii shaqada qabtay baa nagu leh, waana culays na saaran wakaallad ahaan oo haddii aan gurmad loo helina dhib yeelan doonta, waayo shaqadii maanu joojin oo halkii bayka socotaa”ayuu yidhi Xasan Cali Cismaan.
Ugu dambayntii waxa uu guddoomiyaha hay’adda wadooyinka Somaliland Md. Xasan Cali Cismaan uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay sanadka soo socda ee 2017-ka dhammayn doonaan dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha oo in muddo ah lasoo waday, taas oo kharash badani ku baxay.