Hay’adda WFP oo Af-kala-qaad Kaga Jawaabtay Baadhitaan Fashiliyey Raashin Dhacay Oo Rayid U Raraysay

0
31

Muqdisho (Hubaal):- Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Cuntada Adduunka ee WFP, ayaa ku fashilantay inay jawaab lagu qanci karo ka bixisay fadeexad soo food-saartay, ka dib markii   ay dawladda soomaaliya qabatay Raashin dhacay oo WFP doonaysay in la geeyo gobolka Gedo.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha   Muqdisho, waxay Salaasadii dorraad ku qabteen Raashin dhacay oo isugu jiray   Galley, Masaggo, Caano-boodhe, Saliid iyo Noocyo kale oo qaybaha Cuntada ee ay Hay’addaasi gargaar ahaanta u bixiso ka tirsan.RAASHINKA-DHACAY-EE-WFP-EE-LAGU-QATAY-MADAARKA-MUQDISHO-2016

Taliyaha Hoggaanka ilaalada Cashuuraha ee ka tirsan Ciidammada Booliska Soomaaliya, ayaa Saxaafadda uga warramay shalay Raashin dhacay ee ay Ciidanku qabteen, isla markaana sheegay in la doonayey in loo Raro gobolka Gedo oo qorshuhu ahaan in gargaar ahaan loogu qaybiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sida Degmada Baardheere iyo goobo kale.

“Hay’adda WFB ayaa laheyd Raashinkan, gacanta ayaan ku dhignay, waxaa la doonayey in Garbahaarey iyo Baardheere la gaadhsiiyo si dadka loogu qeybiyo. Dowlada Soomaaliya Guddi ayey u saari doontaa, waana la baadhayaa Insha ALLAAH, wixii kasoo baxana waan la wadaagi doonnaa Bulshada.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Cashuuraha Cabdillaahi Xasan Bariise oo Saxaafadda la hadlay markii ay Cuntadaas qabteen shalay.

Hase-yeeshee, Hay’adda WFP, ayaan jawaab lagu qanci karo ka bixin Cuntadan wakhtigeedu dhacay iyo sababta ay u doonaysay inay Dadka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo ku dhaqan ugu qaybiso, iyadoo gargaar ahaan ka dhigaysa, kaasoo Muuqaal ahaan ama midab ahaan is-beddelay oo dhaafay wakhtigii la isticmaali lahaa, kaasoo uu u xidhan yahay Sarkaal ka tirsan WFP oo la socday ama qaadi lahaa Raashinkaas sida uu Taliyuhu sheegay, su’aalana laga weydiinayo Cuntadaas dhacday.

Madaxa Xidhiidhka Hay’adda WFP ee Soomaaliya   ayaa Qoraal kooban oo ay Arbacadii shalay soo saartay Saxaafadda soo gaadhsiisay, kaasoo ay ku sheegtay in Hay’addoodu ay Raashin dhacay oo ay Muqdisho ku haysaa jirin, isla markaana ay hubinayaan in Raashinkaasi loo kaydiyay si aan wanaagsanayn, taasoo laga yaabo inay ku keentay waxyeello.

Layla Cali waxay qoraalkeeda kooban ee ay Fadeexaddan Hay’adda soo food-saartay kaga hadashay, waxay ku tidhi; “Waan ognahay in muhiimaddayada koowaad ay tahay in dadka aan caawinno, oo aannu siinno Raashin tayo leh oo bad-qaba. Waxaanan sameynaa Tallaabo walba oo aannu ku Hubinayno Tayada Raashinka aan gargaar ahaanta u bixinayno.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here