Muqdisho(Hubaal):- Hay’adaha Gargaarka Aadamaha ee Soomaaliya ka hawlgala, ayaa raadinaya Lacag dhan $864 Milyan oo Doollar oo ay gaadhsiiyaan 3.9 Milyan oo Qof oo u baahan badbaadin iyo gargaar Bani’aadminnimo, kuwaas oo ku dhibaataysan gudaha waddanka Soomaaliya.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu’ga iyo deyrta ee la filayay sannadkii tegay. Warkan oo laga soo saaray Kulan lagaga arrinsanayey dhibaatooyinka Abaarta Soomaaliya ka dhashay oo Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana Masuuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgalaa ka wada qaybgaleen, ayaa lagu lagu sheegay Qorshaha Gargaarka Bani’aadminnimo ee Soomaaliya ee 2017-ka oo, waxaana Bulshada caalamka loogu baaqay inay taageeraan hawlgallada iyo baahida Aadaminnimo ee deg-degga ah.
Isu-duwaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Bani’aadminnimada Soomaaliya Petter de Clercq oo kulankaa ka dib shir Jaraa’id ay wada qabteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari, ayaa sheegay in xaaladda Aadaminnimo ay tahay mid ku adag Malaayiin Ruux oo Soomaali ah, isla markaana ay waajahayaan in tirada Dadku ay sii kordhayaan, badankooduna ay halis ugu jiraan in xaaladdoodu sii xumaato una gudubto heerka Macaluusha loo yaqaanno.
Daahfurka qorshahan ka jawaabidda Gargaarka bani’aadminnimo, ayaa imanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda Aadaminnimo ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in xaaladda Abaarta ee sii kordhaysa ay keentay in Boqollaal kun oo Soomaali ah ay waajahaan cunno iyo Biyo yaraan xoogan.
Waxaa War-Saxaafadeedkan lagu sheegay in shan Milyan oo Qof ay u baahan yihiin gargaar Aadaminnimo, kuwaas oo 320 Kun oo Carruur ah oo da’doodu ay ka hoosayso shan jir ay hayso Nafaqo-darro, isla markaana u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, halka 50 Kun oo kale oo Carruur ah ay hayso Nafaqo-darro xoogan oo ka dhigtay inay ka nuglaadaan dhammaan qaybaha kale.
Sidoo kale, waxaa War-murtiyeedka kulankaas laga soo saaray, lagu sheegay in 1.1 Milyan oo Qof ay dalka gudihiisa ku barokaceen, halka 3.3 Qof oo kalena aanay haysan gargaar caafimaad oo deg-deg ah una baahan yihiin in kor loogu qaado helitaankooda Biyaha, Nadaafadda iyo Fayodhawrka, sidoo kalena dhalmada Hooyaduna ay tahay mid ka mid ah khataraha haysta Haweenka Soomaaliyeed, taas oo Haweenka umul-aroorayaa ay ka mid noqdeen kuwa ugu sarreeya dunida, iyadoo 1000 kii Hooyaba ay umul-arooraan ama umusha ku dhintaan 732 ka tirsani.
Mr. Clercq ayaa sheegay in loo baahn yahay taageero deg-deg ah; si looga hortago xaaladdan adag Malaayiinka qof ee Soomaalida ah haysa iyo ta ku soo waajahan-ba. “Inta badan caalamadihii ka horreeyay Abaartii 2011 ayaa hadda muuqda. Wax badan waxay ku xidhan yihiin Roobka gu’ga ee la filayo Bisha April ee soo socota. Balse saadaasha Roobkaasi ma aha mid wanaagsan.” Sidaa ayuu yidhi Peter de Clercq.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in dawladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado Dadka Abaartu ku saamaysay Soomaaliya.
Inkasta oo ay Abaaruhu ka jiraan inta badan Bariga Afrika, ayaa si weyn u saamaysay deegaannada Soomaalida oo ay ugu daran yihiin, Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur-galbeed oo ay dhawaan gaadhay, Koonfurta Soomaaliya iyo weliba Badhtamaha Soomaaliya, taasoo Xoolo badani galaafatay, isla markaana maraysa inay Dadku Gaajo, Harraad, Nafaqo-darro iyo Xanuunnaba ugu dhintaan qaybo kala duwan oo deegaannadaas aynu kor ku sheegnay ka tirsan.
Aftahannews.com