Hargeysa:(Hubaal)-Maxkamadda degmada Laascaanood ayaa shalay xukun kasoo saartay kiiska ilmo yar oo muddo lagu muransanaa,kaas oo ay isku haysteen saddex qoys oo kala duwan.
Saddexda qoys oo wiilkan isku haystay oo midka loo xukumay kasoo jeeda dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya, ayey labada kale ee laga xumayna kasoo jeedeen Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, waxana arrintani noqonaysaa go’aankii saddexdaa ee ay garsoorka dalku go’aan kaga gaadhaan ubad la isku haysto.
Dacwaddan oo ay muddo gacanta kusoo haysay maxkamadda gobolka Laascaanood taas oo markii danbe usoo gudbiysay xukunkiisa maxkamadda Sare ee Somaliland si ay ugala shaqeeyaan kiiskan, isla-markaana ugu dambayntii ku dhawaaqday xukunkii laga gaadhay.
Ilmahan yar oo da’diisu tahay 12-jir ayaa waxa loo xukumay Hooyo Muna Cabdikariim Maxamed oo iyadu dhashay, waxana meesha la saaray sheegashada laba nin oo ku haystay, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Xirsi Cilmi iyo Maxamed Aadan Umal.
Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali oo isagu muddoba gacanta ku hayey kiiska ayaa sheegay in baadhis dheer oo lagu sameeyey ilmahan yar ka dib markii laga qaaday Dhiigga Hidde-sidaha ee loo yaqaan DNA ayna ka taliyeen dhakhaatiirta takhasuska u leh in uu ilmahaasi la dhiig yahay Hooyo Muuna Cabdikariin Maxamed oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya,sidoo kalena gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftya in aanay maxkamadda sare xukunkan ku dhawaaqin balse ay maxkamadda degmada Laascaanood ku dhawaaqay iyaguna ay ku caawiyeen in hoolka maxkamadda sare lagaga dhawaaqo kiiska ilmahan yar madaama oo qoysaska isku haystaa ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.
Hooyo Muuna oo ah gabadha loo xukumay Ilmahan yar ayaa waxay u mahad-celisay Maxkamadaha iyo garsoorka dalka iyo qaabka ay u qaadeen Dacwada.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa waxa uu sheegay in kiiska noocan ahi aanu ahayn markii ugu horeysay ee uu soo maray Maxkamada balse ay hore uga garnaqeen dacwado kuwan oo kale ah.