Waxaa Uu Sheegay In Si Taban Loo Turjumay Warar Laga Tebiyey Oo Ku Arooray Dhegaha Bulshada
Wajaalle (Hubaal)- Maamulka heer degmo ee magaalo xuduudeedka Tog-wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley ayaa war aan sal iyo baar toona lahayn ku tilmaamay warar ka dhan ah duqa magaaladaasi oo dhawaan ay warbaahinta maxalliga ahi faafisay. Maayarka Magaalo-ganacsiyeedkan Wajaale Cabdicasiis Saleebaan Xasan Kooshin oo waraysii siiyey xalay degelka wararka ee Wajaalenews.net ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyey waajibaadka xafiiskiisa ka saaran masuuliyada magaalladan ku taalla xadka Itoobiya iyo Somalilnad wadaagaan. Maayar Cabdi Saleebaan oo xilkan dhawaan la wareegay ayaa dhinaca kale waxaa uu ka war bixiyey hawl gallo ay maamulka degmadiisu ka fuliyeen magaalada kuwaas oo ay ugu dembeysay hawl gal uu shalay ku hagaajiyeen bilicda iyo nadaafadda magaalada Wajaale. Ugu Horeyn duqa degmada Wajaale oo ka hadlaya ujeedada uu daaran yahay waraysigiisu iyo beeninta warka laga baahiyey waxaa uu yidhi “ Waxaanu ku jirnay hawl maalmeedkayagii caadigaa haa mana jirto cid aanu isku dhacnay, marka laga tegi waayo waxaa jirtay meel jago ahayd oo cidii mulkyadeeda lahaydna ay xaadir tahay balse uu nin kale isku dayay in uu albaab ku soo jeediyo, taasna maamul ahaan waajibkayaga ayaanu ka gudanay oo albaabkaas aan wajahadiisu saxnayn ayaanu ka joojinay ninkii soo jeedinayay’. Maayarka Wajaale dooddiisa wuu sii waday oo waxaa uu sheegay in markii uu amray in la joojiyo albaabkaasi oo uu sheegay in uu soo jeedinayay nin ay deris iyo aqoon gaar ahaaneedba isku leeyhihiin la fuliyey amarkiisa oo lajoojiyey balse amarkaas si khaldan loo fasiray oo warbaahintu si taban u sheegtay in isku dhac halkaas ka yimi “ ma jirto wax gaar ah oo ninkaas naga dhexeeyey ee ay sheegayaan in aanu isku dhacnay, ninkanna labadaya aqal ayaaba isku xiga” ayuu yidhi Cabdi Saleebaan Xasan Kooshin, guddoomiyaha degmada Wajaale.