Sydney (Hubaal) Magaalada Sydney ee waddanka Australia ayaa waxaa laga dareemayaa kuleylkii ugu darnaa muddo 79 sanno ah iyadoo heerkulka uu gaadhay 47.3C (117F) oo ah mid aad u heer sarreeya. Dadka ku nool deegaanka Penrith ee galbeedka Sydney ayuu dhidid qooyay jidhkooda xilli kuleylku uu saameeyay Shalay oo ahayd Axad. Dhowr digniino oo la xidhiidha in dab kici kara ayaa lagu shaaciyay deegaanka Sydney oo dhan. Heerkulka Axadii shalay ayaa waxyar ka yar kuleylkii deegaankaasi ku dhuftay 1939, markaas oo heerkulku uu gaadhay 47.8C. Ciyaartoy ka qeyb qaadanaysay tartan caalami ah oo Tennis ah ayaa waxaa qasab ku noqotay inay ciyaarta soo afjaraan 10-ka subaxnimo xilliga Sydney, kaddib markii kooxaha soo qabanqaabiyay tartankaasi ay sheegeen in heerkulku uu 40C kor u dhaafay.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Heerkulka Magaalada Sydney Oo Gaadhay Meeshii Ugu Sarreysay Tan Iyo 1939