”Heshiis Dhammaaday Hadana Bilaw Ah”-W/Q: Axmed Cali Kaahin

0
79

Dhawaan lixda quwaddadood iyo Eeraan waxay soo afmeereen heshiis  xaddidayada barnaamijkeeda una quusgoynaya himiladdeeda hiigsi ee gacan ku dhigada hubka wax gumaada  taasi oo cabsida ay ka qabaan reer galbeedkuna meesha ka saaraysa, badaldeedana ku helayso in laga fujiyo cunaqabataynta wiiqday dhaqaalaheeda iyo hurumarka ummada reer Eeraan, in ka badan tobban sanadood oo ay go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku jireen. Heshiiskan oo ay bud dhig u ahaayeen wasiirada arrimaha dibada ee giraanta wada haddalada oo ka kooban, (Maraykanka,Ingiriiska,Fansiiska,Jarmalka,Raashiya, iyo Shiinaha iyo Eeraan) laguna soo gabagabeeyay Veana in lagu afqabto fididida hubkan halista ah soona socday si xidhiidh oo balaadhan muddo  23 bilood ee u dambeeyay marba meel ay diblamaasiyadu caga dhigataba. Heshiiskani waxa uu furayaa baal cusub oo u dhexeeyay Nabad iyo Colaad dhexdooda oo ay ku xoogroonaatay ama guulaystay nabada oo loo maray habka diblamaasiyada dagan, halka uu xidhayo baal kale oo xajiimooyin iyo xangaruufo badnaa. iyadoo heshiiska ay aad ugu riyaaqeen dadka reer Eeraan si wayna ugu hanwayn yihiin hirgalintiisa, uuna badhitaageeri doonaa dhaqaalaha dhutinaya ee dalkooda una furayaa filashooyin wacan oo mustaqbal gaar ahaan bulshada iyo siyaasiyiintaba si ay ugu qaybgalaan si caalamiya doodaha muhiimka ah iyo kulama waaweyn ee heer caalami oo wax badan u sahli doonta. Eeraan waxay diiday in ay lagasho  Maraykanka wax waddaxaajooda marka laga reebo hubka nunkliyeerka, laakiin maalmihii u dambeeyay Eeraan ayaa codsatay in laga qaado cuna qabataynta hubka iyadoo ay dabada ka riixayaan Raashiya iyo Shiinaha.  Heshiiskan awgii Eeraaniyiintu waxay seexan doonaan hurdo caafimaad iyo rajo daganaansho iyadoo go’aanka Golaha Amaanku uu ka dhigidoono in noloshu siyar oo fudud u socoto, taasi oo meesha kasaaraysa iska hor imaad ciidan oo dhawaanta qarankooda loogu hanjabo. Maalin dhawayd waxa uu sheegay Sheekha ugu sareeya Diinta Khamanay in wada xaajoodayaashu kaliya ay ku kooban yihiin dooda nukliyeerka oo kaliya, wax kalena aanay ka haddli Karin, halka uu Marayknaku quudaraynayo in hoos loogu gondo dago arrimahha Yemen iyo Suuriya oo ay ku leedahay raaddayn xeeldheer.  Hadda heshiisku waa jaanis fiican haddii uu Golaha odayaasha Maraykanaku taageero muddo 60 dan cisho ah guddahood marka la hordhigo, laakiin mudo l0 cisho guddahood ama la mida waxay Eeraan rajaynaysaa in ay hordhigto Golaha Ammaanka ee Qarramada middoobay go’aanka heshiiskan si looga qaado dhamaan cunnaqabataynta la xidhiidha mashruuca nukliyeerka.  Wasiirka khaarajiga ee Eeraan Mohammed Javad Zarif oo qayb ka ahaa xabbad joojintiii 1987 ee Ciraaq iyo Eeraan dagaalkoodii maantana waa markii labaad ee uu ganta ku hayo arrin iyana taariikh muhiima u leh dalkiisa. Waxaanu xusay eray gunaanadkiisii “in ay tahay guul labba dhinac ah balse wax kastaa  mawada qumana”, si kastaba ha ahaatee hirgalinta heshiiska Venie waa in lasaxeexaa wakhti kamida bisha Semptemper, waa marka Golaha Odayasha maraykan siiyaan ansixinta u dambaysa, balse Madaxwayne Obama waxa uu awood u leeyahay in uu ku hirgaliyo heshiiska Digreeto madaxwayne, taasi oo ay Odayaasha Maraykan ku diidikaraan 3/2 saddex meelood oo laba waana arrin mustaxiila in ay dhacdo inta badan. waxa la filaya in dhamaan dhinnacyadu ay New York kuwada saxeexaan heshiiska shirwaynaha guud ee Qarramada middoobay iyagoo wadda jira, dhinacna la iskaga leexinayo  wixii hore ay  jirtna jawi wadajirmino iyo fursad tilmaamaysa dhacdo taariikhi ah.  Iyadoo lagu guulaystay dhinaca reer Galbeed ka in Eeraan  ay dhufaanidoonta in badan oo kamida agabkeeda khuseeya Nukhliyeerka si farsamo ahaaaneed, uuna ka dumi doono dhinacooda gidaarka addag ee Cunnaqabataynta. Sida uu ku tiraabay Madaxwaynaha Maraykanku (heshiisku waxa uu ahaa fursada kaliya ee jirta in Eeraan lagaga horjoogsado helida Unuga wax baabiiya) isna dhinaciisa waxa uu xusay Madaxwaynaha Eeraan Xasn Rohani (waa waji cusub ayaa u bilaabmaya xidhiidhka Eeraan iyo Dunida kale) Fedrica Mogherini uqaabilsanaha siyaasada arrimaha dibabada middawga Yurub waxay tidhi “ waa baal cusub oo diblamaasiyaduna iyadaa guulaysatay 10 sanadood oo ismariwaa iyo xiisad colaadeeda waana calaamad rajo guud ahaan duinda  halka uu isna Daryl-Kimbaall oo kamida ka dadka ka shaqeeya xakamaynta Nukliyeerku (waa mid ka mida heshiisyada ugu cufan ee jiritaanka hubka Nukliyeerka laga gaadho taariikhda) heshiiskani waxa uu ka dambeeyay laba sanadood oo wadaxaajoodyo adag oo xidhiidha socdayna tobbanaansanadood oo ku dhamaaday bilawyo beena iyo marin habaabin rajooyin ah, Guusha heshiisku waxay ku tiirsantahay rajada taageerida labbada dhinnac iyo hirgalinta daacadnimadooda oo sal u ah. Waana in Eeraan aany heshiiskan u isticmaalin labba kacalyn balaadhinta mashruuceeda, Maraynkanuna waa in aanu ka dhigan Aalad uu u adeegsado wiiqida Eeraan,haddii aan qalad la samayn taayirku wuu soconayaa rajada mustaqbalka 23 biloodna waxay ahaayeen tijaabo la filayo in wax badan yimaadaan.  Muhiimada heshiisku waxa uu kaliya firfircooni siinayaa iyo qiimayn xaalada kasii darraysa ee gobolka, waxa kale oo uu kalsooni siinayaa Eeraan halka uu kasoo jiidayo Maraykanka siina fogaynayo Yuhuuda, waxaanu shakhi ku beerayaa khaliijka halka uu ruxayo suuqyada Tamarka dunida waxaanu guuda ahaan gilgilayaa ammaanka gobolka isagoo qarxinaya ku tartanka Hubka, waxa kale oo uu qaabaynayaa istaraatajiyada is xulafaysiga iyo mawqifyada Maraykanka, waana hababka isbadal ee qorshe siyaasadeed sawir hummaaga barriga dhexe siduu u eekaanayo.  Arrinta soo jiidashada leh waa labbada dhinac iyo Qaramada Midoobay in ay awoodeen   heshiis midaysan gaadhaan iyagoo wada jira sikastoo ay u jirto kala duwanaansho badan oo aad u kala fog oo siyaasadeed. Waxaana jira in awoodaha gobolku u arkaan in wax wayni isbadalay ciyaartuna gaar ahaan xulufada Maraykanku ee Riyaad iyo Abudabay iyo Qaahira iyagoo ka warwersan dhexdhexaadnimada Maraykana isagoo hore Ciraaq ugu gacan galiya Eeraan iyo isagoo ka caga jiidaya in talaabo laga qaado Asadka Suuriya maantana ay ku sii biirtay in Eeraan iyo Maraynkanku miiska wada xaajoodka wada fadhiistaan ugu dambayna heshiis la gaadho. Sheekada ugu muhiimsan waa aragtida ah gobolka dhexdiisa Eelkii in uu hoosta ka holcayo uuna jiro dagaal dadban oo ka dhexeeya Eeraan iyo Khaliijka iyo xulufadeeda, waayo hada waxa kasocda Yemen iyo Suuriya oo aad u sii xoogaysanyaa waana suurtagal in Lubnaan iyo Ciraaqna ku sii xigto dagaalada ku qotoma Maddaa Hibta, waxaa jira cabsi in ay isku dhacaan Yuhuuda iyo Eeraan , Xisbulaah iyo Dawlada Lubnaan uuna ku fido gobolka intiisa kale iyadoo khatarta ISIS ay iyana dabka gaasta ku sii shidayso.  Haddii uu qarxo Dagaalka ku dhisan Maddaahibtu aad bay ugu adkaanaysaa reer galbeedka in ay gacanta lasoo galaan xaqiiqaduna ways isku qasantahay isbadalka ku dhacay khariirada siyaasadeed iyadoo ay gacan siinayso daloolka uu keenay Madaxdii xukunka laga tuuray ee aan dadkii waxba loogu badalin sida Liibiya iyo isbadaladii dabbayshii carbeed ee kacaankii. dhanka kale waxaa iyana meesha joogta Yuhuuda oo ah maddiga kaliya ee haysta hubka wax gumaada guud ahaan gobolka, waxaanay buunbuunisaa barnaamijka Nukliyeerka ee Eeraan si galbeed ka ugu dhaadhiciso in talaabo milatari laga qaado heshiiskanina waxa uu ku yahay niyad jab, sanado badan oo la sheegayay in Eeraan khatar ku tahay jiritaanka xulufo muhima oo maraykanku leeyahay, waxa si kadisa meel dhinaca uga daawanaysaa yuhuudu, Maraykankii ay saaxiibka ahaayeen iyo Cadawgeedii Eeran oo Gaadhay Heshiis taariikhiya  miiska diblamaasiyanad ku cawaynaya,   si kasta ha u jirto diidmada adage e Raiisal wasaaraha Yuhuudu, taasi oo keentay in uu si qalafsan oo guracan oo guud ahaan khalkhal galiysa Guriga Cad ee Maraykanka uu sida safar aanu fasax ka haysan Guriga Cad uu ku tago Maraykanka khudbadna u jeediyo Baarlamaanka Maraykan taasi oo ahayd dhacdo ugub ku ah habdhaqanka siyaasadeed ee ka dhexeeya labadan Dal. ” halka uu Raiisal wasaaraha Yuhuudu ku tilmaamay “khalad wayn oo ku dhacay taariikhd” mar uu haddlay balse waxay kutahay mid kamida wajigabaxyadii ugu cuslaa ee ay Yuhuudu la kulmaan Maamul Maraykan ee waligood la sabi jiray sida sabiga oo ay isku halayn dabada uga nuugijireen balse waxay u muuqataa Dibiga gawrac wayshu ha ku quusqaadatee.  halka maamulka Obama ay tuseen in ay muhiimtahay Quwada Aduunku in ay hogaamin karto iyadoo ay jirto hurrid diblamaasiyadeed oo meel iskugu keenaysa Saaxiibadeed iyo cadawgooda, waxayna samaysay isku dhafnaan siyaasad arrimo Dibadeed oo ay ku jirto kuwo dhaqaale iyo Ciidan iyo kuwao siyaasadeed habkoodii. Waxaana hadda loo baahan yahay diblomaasiyad daray ah iyadoo ay muhiimada ciyaartu isbadashay iyo saamaynteedu waxaana dadka u dhuun daloolaa sheegaan in ay barbar taalo arrin kale oo muhim ah una eeg in laga booday, haddii aan xal loo helin Eeraan iyo dariskeeda wali in bariga dhexe lagu laddaa ayna laalantahay si kasta ha iskugu soo dhawaadaan qolooyinkaasiya.

Shuruudaha Heshiiska

  • Eeraan waxay yarayndoonta awoodeeda bacrimineed 2/3 waxayna joojindoontaa isticmaalka dulka hoostiisa ee qaybta Fardaw.
  • Dab dhaliyaha ku shaqeeya biyaha ee Arak in isna  meesha laga saaro.
  • Eeraan waxa ogolaandoontaa  lasocodka iyo kormeerka hay’ada tamarta adduunka bacriminteeda iyo dodobo kale oo farsamo oo badan .

Raadka ay gobolka ku leedahay

Dhinacyada gobolku siyaabo kala duwan ayay usoo dhaweeyeen balse in uu yahay heshiis taariikhiya cidina madafiri karto waxaana lagu bogaadiyaa libinteeda Madaxwayne Obama oo muu jiyay geesinimo iyo calool adayg dhagahana ka furaystay Jahmhuuriyiinta la safan yuhuuda. Habdhaqanka goboleed ee Eeraan marwalba waxa uu hoos yaalaa arrimmaha Amaanka heshiiskasta waxa uu keeni karaa in galbeedku helaan fursad ay hab dhaqanka Eeraan ee gobolka ku hantiyaan, taasina waxay ugu dambayntii  ka durkinaysaa cunaqabataynta hubka iyadoo loo ogolaanayo in ay hub ka iibsato Raashiya, saamaynta taban ku yeelanaysa dhaalitiranka hubka waxaana la galayaa tartan hubka ah iyo kala shaki. Maanta bulshada reer Eeraan waxay labban lab ka badan yihiin intii ay ahaayeen dagaalkii Ciraaq, jiilka cusubina xasuustooda kuma jirto wakhtigaas balse sida hada dareemayaa waxay la noolaayeen cabsi in la filan karo markasta weerar kaga yimaada galbeed inta badana wadnaha ayay farta ku hayeen qodaxdaasina hada way ka fuqday. Heshiiskanina waa tallaabo wayn oo saamayn dhaba ku leh niyada iyo nolosha dadka reer Eeraan ee mudda go’doonka ahaa waxaanay furaysaa daaqad wayn oo mustaqbalka dhaw ah, halka furida albaabadu ay u baahantahay wakhti kabadan inta hadda jirta. Waxa dadka qaar aad ula yeebeen dareenka isku midka ah ee ay ka bixiyeen Yuhuuda iyo wadamada Gacanku taasi oo dad badan ku riday jahawareer xaga fahamka balse dadka sida dhaw ula socda arrimahan way ka dharagsan yihiin in Eeraan ay dhaqdhaqaaqyo shaqaynayaa ku yeelatay wadamo badan oo markii hore ahaan jiray xulufada Gacanka iskuna badalay xulufo adag oo ay leedahay Eeraan sida Ciraaq, iyo Lubnaan oo ay ka abuurtay ururka awooda badan ee Xisbulah iyoYemen oo  Xuutiyiintu fara ba’an ku hayaan, halka Asadna haysto madax usalaaxida Eeraan, waxa intaas sii dheer in ay sheegaan wadamad Gacanku in dhibaatada ugu wayn ee ay la taacaalaan wasaaradaha arrimaha Gudaha ee waddamadaasi ay tahay dhibaatada kasoo buttaacaysa dhagarta ay u maleegayso Eeraan dhib wayna ku hayso amaanka iyo caqiidoonyinka umada Sunniga ah. isbalaadhinta Eeraan hadda waxay u cadday sida caddceeda cidina madafiri karta, balse in laga naxo heshiiskani waa arrin iyana layaabkeeda leh waayo waxay jecelyihiin in Eeraan oo hadda taag daran ay u taaglaayihiin haddii ay maddaxa lasoo kacdana kaga samayn badan doonto gobolka sidii hore si ka daran  shaki gundheerna ka qabaan heshiiskan, waxaa iyana su’aal wayni saarantahay qaabka laba wajiilaynta ee dawada maraykanka ee arrimaha barriga dhexe iyo sida uu iskugu waddi doono dhinacyadan kala falaagoobay iyo sida uu iskugu keeni karo  haddii xaaladu xumaato cidda uu daba fadhiisan doono isagoo Ciraaq hadyad u siiyay Eeraan taasi oo ilaa hadda ah hal xidhaale aanay wali dad baddan guntiisa dhugan.

Fikradihii:

Marwan Bishara: senior political analyst at Al Jazeera.

Jane Kinninmont: Senior Research Fellow on the Middle East and North Africa Programme at Chatham House

Camelia Entekhabifard: an Iranian journalist, TV commentator and author of Camelia: Save Yourself by Telling the Truth – a Memoir of Iran.

Julian Borger in Vienna

Xigasho Aljazeera.net/English

Soo tarjumidii iyo kaabistii affar maqaal oo aan akhriyay ina soo jiitay waxyaabihii u muhiimsanaa.

W/Q: Axmed Cali Kaahin

 Ahmedckahin@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here