Heshiis Laga Gaadhay Collaadii Degaanka Kalshaale + Qodobada La Isla Qaatay Iyo Shirweyne Loo Balamay

0
25

Beellaha Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa ka heshiiyey Collaad in badan soo jiitamaysay oo salka ku haysay Khilaaf Dhul, kana bilaabantay Deegaanka la yidhaahdo Kalshaale.

Shir-nabadeed oo muddo maalmo ah uga socday Deegaanka Aadan-waal oo u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorulugud, Isimmada Beellaha Collaadu u dhaxaysay, ayaa lagu soo gunnanaday heshiis rasmiya, sida ay gunnaanadkii Shirka kaga dhawaaqeen Garaadka guud ee Beesha Buuhoodle iyo Suldaanka Bariga Burco.

nabad kalshaaleShirka ayaa laga soo saaray go’aamo gundhig u noqonaya tubta nabadda ee labada beellood wada gaadheen. waxaana kamida qodobada ka soo baxay Xabad joojin la dhex dhigo Maleeshiyaadka labada dhinac, Dhinac walba waxa la Dhaariyey 22 xubnood, sidoo kale waxa loo balamay in bisha soo socota Shirweyne lagu sii amboqaadayo Kulankan lagu qabto Deegaanka Coodanle.

“qodobada lagu heshiiyey waxa kamida in hadii gacan dambe dhacdo lagu koobo cida geysatay oo aanay labada beellood qayb ka noqon.” ayuu yidhi Wariye ka soo waramay Madasha heshiisku ka dhacay.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe hogaaminayey Ergada dhinaca Buuhoodle ayaa halkaa kaga dhawaaqay inay dhamaatay Dhibaatadii muddada dheer ka dhex aloosnayd Beellaha Ood-wadaagta ah. Garaadka ayaa intaas ku daray in daaqa iyo Deegaankuba ka dhexeeyo Dadka halkaa wada degen.

nabad2Collaada laga heshiiyey, ayaa sanadkii 2010-ka ka curatay khilaaf laba dhinac ah oo ku saabsanaa Berkeddo laga qoday Baliga kalshaale, waxaanay yeellatay wajiyo kala duwan, iyadoo Khasaare laxaadle ka soo gaadhay labada dhinac. dhowr dil ayaa dhacay intii dedaaladda nabadeyntu socdeen. laakiinse guusha iminka laga gaadhay xiisadan ayaa noqonaysa talaabo hore loo qaaday.

Halkan ka Daawo warbixin Muqaal ah

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here