Heshiiska Cid Aan Ku Dhaleeceeyo Oon Barlamaanka (Guurtida Iyo Wakiillada) Ahayn Garan Waayey Anigu

0
54

Xukuumadda (Executive Branch) waxa ay masuul ka tahay hirgelinta, taageerida iyo fulinta shuruucda ka soo Waaxda Sharci-dejinta (Legislation branch) oo noqonaya Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo go’aannada amma shuruucda ay turjumaan Waaxda Garsoorku. Waa hannaanka is-dheelitaranka dawliga ah u dhisan yahay (Check and Balance).

ibraahim khadar

Golaha Barlaamanku (Guurida iyo Wakiillada) waxa ay masuul ka yihiin in ay cod ku metelaan shacabka oo ay shaandheeyaan go’aamada siyaasiga ah ee shacabka iyo qarankaba taabanaya. Waa shaandhada lagu haadiyo qashinka /qaladaadka fulinta ka dhaca.

Waaxda Fulintu inta badan waxay masuul ka tahay in ay gasho heshiishyo siyaasi iyo kuwo dhaqaale oo ay la galayso dawladdo amma shirkado shisheeye, kuwaasoo soo mara Golaha Barlamaanka sida dastuurku dhigaayo, ansixintooda iyo shaandhayntooduna halkaas ay soo marto.

Garsoorku isaguu waa garnaqis caddaaladda iyo wax kasta oo la isku maandhaafo qodob sharci iyo hannaanka caddaaladda mariya.

Haddaba, Haddana u soo noqdo nuxurka heshiiska kiraynta madaarka Berbera ee Imaraadka ka dhigan doono saldhig millateri inta aan la cadhoon, barta sartu ka qudhunsan tahay ha la ogaado.

Xukuumaddu nidaamkii sharciyada maxaliga ah dhigayeen oo dastuurku ugu sarreeyo way marisay oo labada Gole oo wada jir ah way isugu yeedhay si ay nuxurka heshiiska uga go’aan gadhaan oo macnuhu yahay in ay u xalaaleeyeen amma u xaraantimeeyaan, masuuliyadda Laba Gole Barlmaan bay ahayd in ay waydiiyaan heshiiska oo faahfaahsan amma dhamaystiran in la hor keeno amma lagu qanciyo-Waa dood kale haddii aad leedahay Golaha Barlamaanka Somaliland xalaal ma yahay ilayn tobannaan sanno ayey muddo dhaaf yihiine, qaarna laba doorane- laakiin iyaguun baa hadda sharci ah oo meesha fadhiya, rabitaanka shacabka iyo ka raalli ahaansheenaanay ku fadhiyaan.

laba mid uun baa u bannaanayd in ay heshiiska ka yelaan oo ah in ay go’aamiyaan in dib loo celiyo oo ay dood geliyaan, in ay ogoladaan duuduub ku ansixin, iyagoon ogayn waxa manfac iyo khasaare ku jira, inta badana mashruuc sharci amma heshiis dabeecadiisu dhaqaale amma siyaasi tahay oo la hor keenay oo ay ka doodaan ma jiro ee duuduubkay ku liqaan, siday duuduubka waxooga ugu qataan.

Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiilladu) waxay Aqalka cad u dhex fadhiyaan waa in shacabka codkooda ku metelaan oo ay hay’adaha dawliga ah saxaan, balse wali ma u aragta in ay xeer kaliya oo qaranka dan u ah ansixiyeen, imina xeer oo xataa heshiiskan ka muhuumsan baa hor yaalay. Ma Adhi damaan iib u yaala, ilayn waa kuwan kuududa uun meesha oo daaqayee? Mooji adiga sheegi.

Dalalka waaweyn ee dimuqraadiga ah ee dunida hoggaanka siyaasiga iyo dimuqraadiyada aynu qaadanay majaraha u hayaa xukuumadahoodu waxay Golayaasha hor dhigaan heshiisyo kuwan ka khatarsan oo xataa mararka qaar dad ku cidhib-tiraan, go’aanka iyo danta shacabkuna waxa la saara Golaha oo amma u arka in ay dani ku jirto amma in aanay ku jirin oo qanciya shacabka, warbixin ka soo saara.

Bal inta aynaan xukuumadda eryan, waxa aad odayaasha aad doorateen waydiisaan Manfaca ku jira heshiiska? Nooca uu yahay heshiiska? Sababta ay ugu arkeen in shacabka iyo dalkaba uu dan ugu jiro?

Adiguna is waydii Gole Barlamaan oo midna toddoba sanno wax ka badan muddo dhaafay, midna aan waligii la dooran waxa ka imaan kara? Armay roon tahay in iyaga la horgeeyo maxkamad!!!

Haddii aan arko qof si cilmiyeysan iigu sheega dhibaatada ku jirta heshiiska oo dhanka dhaqaala, degaanka iyo siyaasadda ka eega waan ka soo hor jeesan lahaa, haddii aan heli lahaa qof si fiican iigu sheega sabab aan ku taageero oo iftiiminaysa manfac dhaqaale, siyaasi iyo horumarineed waaban u dagaalami lahaa. Waxaan taaganahay laba meelood dhexdood, kuwo badna oo ka soo horjeedana waxaan hubaa in ay ila mid yihiin, balse cadiifadu aad u shaqaysay.

Waxa aad arkaysa muwaadin aan quraac, qado iyo casho hayn oo ka hadlaya, kuna murmaaya heshiis sannadkii Hal bilyan oo doollar ka badan ka soo baxayso. Cajab iyo cajiib.

Dul-ka-muummin baa tahay

Uur-ka-Daallin baa tahay

Dibno Kacaana baa tahay

Isha bidixna kuu daban

Dalba-Juuqahaaguna

Wax la dedo ka xeel dheer

Allow yaa ku dooxoo

Haddana aan ku dilinoo

Waxaad damacsantee kale

Debedda ula soo baxa

(Deeley: Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax)

Qalinkii: Ibraahim Khadar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here