Heshiiska Muuse Biixi Iyo Xukuumadda Siillaanyo Kadib Maxaa Ku Xiga? Faallo – Weriye Maxamed Cumar Sheekh,   Boorama

0
74

Badi dadweynaha Somaliland ayaa badi soo dhaweeyey heshiiskii dhex maray xukuumadda iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi. Heshiiskan oo ay ka odayeeyeen Golaha guurtida Somaliland, heshiiskaasina ka soo saaray qodobo aad u qabow oo cidna eeddeynin, ayaa dhinaca kale waxa uu dejiyey xiisado siyaasadeed oo looga baqayey in Somaliland gasho colaad siyaasadeed oo cadow badani ku wiirsado.

Inkastoo heshiiskani ahaa mid xal ah, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiyana ula muuqatay in dabaysha siyaasadeed kolleyba ka janjeedho, ayaa la filayey in heshiiskaasi soo dedejiyo shirka golaha dhexe ee xisbiga, maalin ama laba maalmood kaddibna la filayey inuu ka furmo caasimadda Somaliland si loogu dhawaaqo musharraxnimada mansabka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo mugdi badani saaran yahay cidda uu noqon doono.

Madaxweyne Siillaanyo oo kursiga madaxtinnimada dalka mar kale diyaar u ah in loo doorto, ayaa haatan waxa u yaalla hawlo badan oo ku saabsan sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashooyinka soo socda ee uu la geli doono xisbiyada mucaaradka.

IMG_0066Hehsiiskaasi kaddib, lama qaban shirkii golaha dhexe wakhti ay soo dhawdahay bishii barakaysneyd ee Ramaddaan, waxa kale oo shan casho kaddib dawladda Kulmiye u buuxsamaya afar sannadood oo ay xilka haysay, dibna loo eegi doono waxqabadkeeda iyo dib-u-dhaceedaba. Waxa kale oo aan la ogeyn jihada siyaasadeed ee ay dhaqaajin doonaan taageerayaashii Guddoomiyana xisbul-xaakimka Muuse Biixi. Waxa kale oo aan la ogeyn kaambaynka Puntland ka waddo bariga dalka, iyo hadalada ka soo yeedhaya qolyaha UN-ka iyo dawladda Somalia madaxdeeda, lamana oga meesha la dhigi doono wasiirada hoosta uga cadhaysan dawladda iyo kuwa daacadda u ah, halka aan ilaa imika la ogeyn waxa ka iman kara hadii xisbiyada mucaaradka, beelaha galbeedka iyo bariga dalka ee wax ka tabanaya Xukuumadda iyo kuwa meelo kale looga yeedhayaaba isku bahaystaan dagaal ka dhan xisbiga KULMIYE mustaqbalka siyaasadeed.

Heshiiska Muuse Biixi iyo xukuumadda oo aan la ogeyn inuu sidii kan ka horreeyey cimrigiisu gaaban doono, madaxda isku haysa siyaasadda KULMIYE ee khasabka lagu marsiiyey heshiiskaasina weli qaarkood calool-xumo ku jirto, iyo waanwaanta aan dhammaadka lahayn ee xisbiga dhexdiisa weli ka socota, waxay dhammaantood muujinayaan in xukuumaddu weli leedahay mucaarad wejiyo kala duwan leh oo waxyeeleyn kara guul xoog leh oo xisbga KULMIYE mar kale ku hanto hoggaanka dalka. Sidaas darteedna aamusnaanta siyaasadeed ee ee xukuumadda iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMYE wuxuu muujinayaa is aamin la’aan.

Si kasta wax ha u dhacaane, Heshiiska Guddoomiyaha KULMIYE iyo Xukuumadda kaddib, waxaa la saadaalinayaa inay dhici karto in xukuumaddu iska caabido amaba ay muquuniyaan mucaarad badani, waxana dhici karta in hadii sida maanta xaalku yahay lagu kala bixi waayo shirweynaha golaha dhexe, oo ragna laga saari waayo xisbiga kuwa kalena la soo dhaweyn waayo, ay sheekadu halkeedii mar kale ka bilaabanto, waanwaan kalena guurtida looga baahdo.

Qalinkii – Weriye Maxamed Cumar Sheekh,   

Weriyaha Wargeyska SAXAFI Ee Gobollada Galbeedka Somaliland

Boorama, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here