Heshiiska Somaliland iyo Imaaradka ee Saldhiga Milatari ee Berbera ma mid Somaliland u danbaa?- faaqidaad madaxbanaan. Qalinkii: Cabdiqaadir Maxamed Ibrahim

0
172

Magaalada Barbara oo juquraafi ahaan ku taala marin istaraatiij ah ayaa u muuqata in indhaha maalgashiga calaamka haayo bilihii u danbeeyay, Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world ayaa Horey heshiis rasmi ah u kala saxeexday heshiiska dekedda Berbera loogu wareejinayo shirkadda DP World.

cabdiqaadirHadaba waxaa jirey in mucaaridad aan buurneen in lagaaga hor yimid dalab ay dalka imaaraadka carabta kaga codsatey Somaliland in saldhig milatry laga siiyo magalada Berbera sida uu xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo qaybo ka mid ah Saxaafadda kula hadlayay magaalada hargaysa ayaa cadeeyay in dalka imaraadka carabtu inuu Somaliland soo waydiistay saldhig millatari in laga siiyo magaalo xebeedka berbera ,

Hadaba Soomaaliland iyo gobolka oo dhan ayaa aad looga hadal-haya qorshaha Imaaradka Carabta uu ku doonayo saldhig milatari inuu kaga sameysto magaalada Berbera,waxaana loo arka muhiimad weyn inay ugu fadhido Somaliland in imaaradka saldhigga uu halka ka dhisanayo.

Hadaba maxaa wakhtigan kusoo beegay in Imaaradku saldhigyo military ka sameysto Geeska Afrika

  1. sida uu sheegay Alex Mello oo falanqeeye arimaha Amniga kana tirsan Hay’add lagu magacaabo Horizon Client Access Xarunteedana tahay magaaladda New York ee dalka mareykanka ayaa sheegay in dagaalka sokeeye ee ka socda Yemen uu yahay sababta ugu wayn ee Dawlada imaaradka ku dhiirigalinaya in saldhigyo milatry ka sameysato Geeska Afrika, Dawladda Imaaradka ayaa ka barbar dagaalameysa Dawladdo kale oo ka tirsan Bariga Dhexe dagaal looga hor jeedo Maleeshiyaad Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto.
  2. Waxaa kaloo jira xogo aan soo shaac bixin oo Imaaradka iyo sacudiga ku riixaya inay ka hortagaan oo ah in Dalka Ruushka oo is xulafaysi la leh wadanka iran uu u baahan yahay saldhig milatry oo soo labeeya ka uu ku leeyahaymagaalada Darduus ee dalka suuriya.

Dalka Jabuuti oo ay saldhigyo ku leeyahiin wadamo xifiltan siyaasadeed ka dhexeeyo.

Dalka Jabuuti oo ay dunidu ugu yeerto Saanbuuse u dhaxeeya Itoobiya, Eretria, iyo Somaliland ayaa waxaa ku yaala Saldhigyo wadamo badan oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan iska soo horjeeda hadana dawlada yar ee Jabuuti mid walba waxay kula dhaqantaan sida ay danteed ku jirto waxayna iska fogeysaa cadaawada dhexdood ka dhaxeyso, hadaba maxay Somaliland kaga duwan tahay jabuuti oo wadamo badan oo Diin iyo dhaqan ahaan aad ukala durugsan yahiin oo siyaasad ahaana sooka horjeeda ay saldhigyo ku leeyahiin dan wadaagna latahay, maxaana u diidaya Imaaradka oo ah dal muslim ah oo waliba suni ah in anagoo danteena eegyna inaanu isxulafaysano.

Maxaa faaido ugu jiri kara Somaliland

 In ay gashay heshiis caalimi ah magaca Dawladda Somaliland kaas oo ka dhigan in Dawalda Imaaradka Carabtu ay aqoonsi siisay Soomaliland heer kastaba ha ahaadee.ü

 Haddii uu saldhiga hirgalo waxuu damanad qaad u noqonayaa in shirkadaha maalgashiga ee wadamada carabtu kusoo dhiradaan in ay maalgashi balaadhan ku sameeyaan Somaliland.ü

 Waxuu kor usii qaadayaa kalsoonida shirkada DPWorld oo ah shirkad heshiis mudo sodan sano heshiis kula gashey Somaliland iney maalgashi balaadhan ku sameeyso dekeda Berbera waxuuna meesha ka saari doonaa kontaroolidii iyo xadeeyntii ay jamhuuriyada yare e Jabooti ku hayso shixnadaha Dawlada bad la’aanta ah ee itoobiya uga soo daga marsadda jabuuti, haddi ay taa dhacdana waxay fursad qaali ah u noqoneysaa in dhaqaale ahaan ay Dawladda Somaliland faa’iido.

Gunti iyo gabagabadii

Si kstaba ha ahaatee Somalidu waxay tidhaah Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. Haddii Emirates-ku (UAE) oo Saldhig Milatry maanta Berbera laga siiyo waa Go’aaneedka ugu fiican, waa in Go’aankaas la qaato waxaana leeyahay dadka Somaliland ha soo dhoweeyaan ayaan la siyaasadeen, Dawladdana halagu taageero ayaan odhan lahaa, Xukuumaddana waxaan kula talin lahaa, inay arinta u talo badsato, dadka arrimaha Milateriga iyo arimaha Xidhiidhka Caalamiga u dhuun daloolana ha la tashato iyo guud ahaan dadkeeda tala-galeenka ahba.

by ABDIKADIR MOHAMED IBRAHIM

TELL 0634415327

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here