Jabuuti(Hubaal) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay khilaafaadka mar walba soo dhex-gala madaxda Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo jeedinayo in wax laga beddelo meelaha uu ka qaldan yahay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, si khilaafyada meesha looga saaro.
Geelle oo wareysi siinayay VOA-da ayaa kaga hadlay xaalada Soomaaliya iyo heshiiskii ay dowladdiisu la gashay isbahaysiga mucaaradka ee USN, isagoo hoosta ka xariiqay in heshiiska dowladda Jabuuti iyo mucaaradka uu yahay mid meesha ka saaraya xiisado labadii sano ee lasoo dhaafay taagnaa.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu ka hadlay ayuu sheegay inay ula muuqato in dastuurka Soomaaliya ay wax ka qaldan yihiin, isla markaana ay muhiim tahay in la garto in dastuurka wax laga beddelo, si meelaha ay kala-aragti duwanaantu ka imaanayso loo saxo “Inay wax ka qaldan yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayay aniga iila muuqataa… marka in loo fadhiisto oo waqti badan la geliyo sidii loo sixi lahaa ayaan ku talinayaa… waayo khilaafyada siyaasadeed waxay noqdeen kuwo marar badan soo laalaabtay… kuwaasoo xididdada u siibay sumcaddii iyo weliba geeddii socodkii nabadeed ee dalka,” ayuu yidhi Geelle.
Mar la weydiiyayay xil ka qaadista ku aaddan afhayeenkii AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo dalka Jabuuti kasoo jeeda ayuu ku jawaabay. “Afhayeenka xilligii ayaa ka dhammaaday, isla markaana afhayeen ka socda Kenya ayaa loo magacaabi doonaa xilkaas.” Isagoo xusay in dalalka dhammaan dalalka ku deeqay ciidamada AMISOM ay xilal waaweyn ku leeyihiin howlgalka.
Dhanka kale, Madaxwaynaha Jabuuti oo la waydiiyey sida ay ugu suurto-gashay inuu wada hadashiiyo Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku jawaabay “Cadaawadi ma jirto (Somaliland iyo Soomaaliya), waayo dad af, diin, dhaqan iyo aqoonba ay kulminayaan, horena wadahadalladu ugu dhaceen Turkiga, waxayna ku timid ballan ay iyagu qaateen oo ahayd inay Jabuuti ku kulmaan, taasina annagana sharaf ayay noo tahay, iyagana haddii aanu wax tari karno inaanu wax ku tarno (ayay ahayd), jawiguna waa mid aad u fiican. Wixii aanu isla eegnay in Warbaahinta loo sheego waanu sheegnay, wixii kalena xilligeeda ayay soo bixi doontaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Heshiiska (Somaliland Iyo Soomaaliya) Wuu Iska Iman Doonaa, laakiin haddii wakhtiga dadku kala maqan yahay aad u dheer tahay maalin qudha lama gundhin karo, waxayna u baahan yihiin in la abuuro jawi walaalnimo oo nin walba aragtidiisa sheegan karo wixii isku keenaya ama wixii kala kaxeynaya, in tallaabooyin badan la soo qaado ayaa loo baahan yahay.
somalilandtoday