Heshiiska Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera Oo La Saxeexay, Magacyadda Shirkadaha Private ka ah iyo Fool Xumada Dul Hoganaysa Xukuumada M/weyne Siilaanyo

0
56

Heshiis lagu wareejinayo Haamaha shidaalka Berbera oo ah kaydka keliya ee qaranka Somaliland leeyahay ayaa si rasmi ah laagu wareejiyay Shirkado Gaar loo leeyahay. Heshiiskan ayaa la sheegay in shalay Madaxtooyadu qalinka ku duugtay, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo arimahan wax ka ogaa, sidoo kale wasiirka ganacsigu cadeeyay in heshiiskaasi jir.

Heshiiskan Madaxtooyadu saxeexaday ayaa tilmaamay in ku dhawaad Soddon Sano lugu wareejiyay Haamaha Shidaalka Berbera dhawr Shirkadood oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo qaarkood hore shidaalka u keeni jireen qaarna cusub yihiin oo lala aasaasay ama la dhasheen hindisahan wareejinta haamaha. Siday xoggahaasi tibaaxeen Shirkadaha lagu wareejiyay Haamaha waxa ka mid ah; Red Sea, Hass, Som petrolium, Som Oil, Liibaan Petrolium, Alwaarid Petrolium iyo Waraabe Petrolium. Sidoo kale waxa heshiiskan lagu tilmaamay in shirkad walba bixin doonto aduun lacageed laguna qiyaasay 2 milyan dollar  shirkad walba soo qadinto.

Hadaba xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Siilaanyo, oo lagu xasuusan doono talaabooyinka aadka u foosha xun ee lagu boobayo hantidii umadani lahayd,taas oo si badheedha ugu dhaqaaqda wax wal oo dani ugu jirto qoyska madaxtooyada ama inta ay kuwada shaqaystaan boobka xaq darada ah ee lagu hayo xoolahii iyo hantidii dalka. Maalmo ka hor ayuunbay ahayd markii m/weyne siilaanyo magacaabay guddi wasiiro ah oo la yidhi waxay samaynayaan siyaasada dhulka dawlada, iyada oo aynu ognahay in xukuumada m/weyne siilaanyo dhulkii ugu badnaa ee dawladu leedahay waxna iibisay waxna uu m/weynahu u hibiiyey wasiiradiisa, waxaynu ognahay in markii dhulkii dawladu dhamaaday in Saldhigyadii Booliska ay dawladu iibisay, dadkii u dhowaana laysku dayay in sifo sharci daro ah looga raro isla markaana ciidamo loo adeegsaday oo siday xabad ula dhacayeen wiil yarna ku dhintay 3 kalena ku dhaawac meen, waxa iyana jirta in maalin walba aad maqlaysid dhul laysku laayay oo ama dhimasho keena ama dhaawac, xukuumada maanta jirtaa wata waxyaabahaa laga dhaxlay, wax ay ka qabanaysaana aanay jirin iyadoo maalin walba dad ku dhimanayo waayo, dee xilba ma saarna, waxaanay wax ku helayaan dhaawaca, dhimashada iyo dhiiga daadanaya.

Waxaan u soo jeedinayaa m/weyne siilaanyo hadii ay taladaadu shaqaynayso oo wax uun gacanta kuugu jiraan waar dalka waxan ka dhacaya wax ka qabo, oo dawladaadu boobka iyo dhaca ay umada ku hayso ka hadal oo ilaahay waakaala xisaabtamayaa masuuliyada umadani ku saartay hadii aad ku eegto dulmiga ay ku hayso xukuumadaadu dadkii iyo hantidii umada ka dhaxaysay.

M /weyne hadii kuwii aad diratay ay wax ka duwan waxa dalka ka dhacaya ay kuu sheegayaan oo muraayad weynayso ah kuu xidheen oo barwaaqo sheegaysa, m/weyne dalkii wuxuu ku dhowyahay in colaad iyo dagaalo dulmiga xukuumadaadu samaynayso darteed mar hadii loo soo jeestay hantidii, dhulkii iyo wax ale wixii dalkan iyo dadkan wada lahaa in cid gaar ahi sifo sharci daro ah ku qaadato oo waliba u badan qoyskaaga, waar dalka haloo tudho oo dadka haloo tudho.

Ilaahay sida xaqu ku jiro hayna waafajiyo

Mohamed Gacayte

Muwaadin falanqeeya arimaha siyaasada Somaliland

Gacayte09@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here