“Heshiiskani waa Mindi laba Af leh oo Shaqsiyaad Somaliland iyo Federaal ah ayaa rabay in Dhulkaa la geeyo Shirkado Imaaraati ah, oo…”

0
51

 

Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Dacwad ka dhan ah Saldhigga Millateri iyo Imaaraadka Carabta Gudbiyeen

“Heshiiskani waa Mindi laba Af leh oo Shaqsiyaad Somaliland iyo Federaal ah ayaa rabay in Dhulkaa la geeyo Shirkado Imaaraati ah, oo…”

Muqdisho(Hubaal):- Madaxa Hanti-dhawrka Qaranka Federaalka Soomaaliya Nuur Jimcaale Faarax, ayaa Maanta Warbaahinta la hadlay isaga oo jooga Muqdisho, isla markaana waxa uu xaaraan ku tilmaamay bixinta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka laga siinayo Berbera oo uu sheegay in Shaqsiyaad ka kala tirsan Dawladda waqtigeedu dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Somaliland oo Musuqmaasuq iyo fulinta danohooda gaarka ah isu-bahaystay ay hirgelinayeen Heshiiskaas.

Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Soomaaliya, waxa uu sheegay inay Dacwad u gudbinayaan Jaamacadda Carabta ka dhan ah dawladda Imaaraadka Carabta, taas oo uu ku tilmaamay inay duullaan qaawan, qaybqaybin iyo Xasarad ka waddo gudaha waddanka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Somaliland, waxaanu ugu baaqay Imaaraadka inay dhibaatada ka dayso Soomaaliya.

“Heshiiskani waa Mindi laba Af leh, waa mar oo waa musuqmaasuq oo Shaqsiyaad Somaliland iyo Federaal ah ayaa biicinayey oo Dhulkaa rabay in la geeyo Shirkado Imaaraati ah, oo imaaraadka la soo galay, waa musuqmaasuq oo wax cad maaha.” Sidaa ayuu yidhi Nuur Axmed Jimcaale.

Waxaanu Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Soomaaliya, intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Madax sare oo ka tirsan Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, wuxuuna runtii heshiiskaasi dhalay kan Saldhigga Ciidanka Imaaraadka Carabta lala galay ee ay ka furanayaan Berbera, waana mid xad-gudub ku ah danta Ummadda iyo Hantida Qaranka Soomaaliyeed.”

“Waa markii labaad ee heshiis gacan-ku-rimis ah ee ay dawladda Imaaraadku la saxeexanayso Dad Dawladda Soomaaliya ee Federaalka ka mid ah iyo Dad Maamulka Somaliland ka mid ah. Heshiisku hadduu sax yahay maxaa loo qarinayaa maa dadka la tuso oo Sharci-dejinta la tuso? Heshiiskaasina sharci maaha ee waa sharci-darro.” sidaa ayauu yidhi Hanti-dhawraha Soomaaliya, waxaanu sheegay inay Dawladda Imaaraadku Soomaaliya dhib, kala qoqob iyo xasarad ka dhex waddo Soomaaliya.

Waxaannu Warbixinta Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Federaalka Soomaaliya oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan ee Ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

 


HANTIDHAWRAHA SOOMAALIYA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here