Hindiya (Hubaal) -Labo ka tirsan booliiska dalka Hindiya ayaa shaqada laga eryey kadib markii ay ka been sheegeen in ay fuuleen buurta adduunka ugu dheer ee Everest, iyada oo uu beentaasi ku qirey guddi baadhitaan oo loo saaray sheegashadooda. Dinesh iyo Tarakeshwari Rathod ayaa sanadkii hore sheegey in ay ku guuleysteen in ay noqdeen lammaanihii ugu horeeyey oo booliis ah oo fuula buurta adduunka ugu dheer ee Everest ee ku taala dalka Nepal. Balse booliiska gobolka Maharashtra ayaa xaqiijiyey in sheegashadaasi ay ka been sheegeen, islamarkaasina sawirada ay soo bandhigeen ay ahaayeen kuwa been abuur ah. Sarkaal u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Sahebrao Patil ayaa sheegey in lammaanahan ay booliiska usoo jiideen sumcad darro iyo muran aanan loo baahnayn, sidaasi darteedna shaqada looga eryey. Dowladda dalka Nepal ayaa lammaanahan sidoo kale kusoo rogtey mamnuucis muddo 10 ah oo ku saabsan in ay fuulaan buuraha dalkaasi maadaamaa ay been sheegeen.
Balse nin buuraha fuula oo lagu magacaabo Satyarup Sidhantha ayaa warbaahinta u sheegey in sawirada ay yihiin kuwa uu isagu leeyahay, lammaanahan ay sawirada been abuur ku sameeyeen.
Waxaa xaaladda kasii daray kadib markii la ogaaday in dhar iyo kabo kala duwan ay xidhnaayeen sawirrada, taasi oo shakiga sii cadaysay.
Dadka buuraha fuula ayaa marka dambe hela shaqooyin lacag badan ay kasoo gasho sida khudbado dhiirogalin ah oo ay ka jeediyaan jaamacadaha iyo waliba qorista buugaagta.
Dalka Nepal ayaa dhaqaale badan ka hela dadka dalxiiska ah ee buuraha fuula, iyada oo dad gaaraya 450 qof fuuleen buurta Everest sanadkii hore oo kaliya, buurtani ayaa dherer ahaan dhan 8,848m.