Hobolladda Caanka ah Ee Khadra Daahir Cige Oo Ka Xog-warrantay Xusuuso Ku Xardhanaa Shakhsiyaddii Marxuum Cawke

0
61

Waxaa Ay Tacsi U Dirtay Ehelkii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Uu Ka Baxay MarxuumkuKhadra Daahir Cige

Hargeysa (Hubaal)- Hobolladda Caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo kamid ah foollaadkii Hobolladii Waaberi  ayaa ka hadashay shakhsiyaddii alla ha u naxariistii Weriyihii la hollin waayay ee alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan-cawke Suufi oo 17-kii bishan aynu ku jirno ee November aas qaran loogu sameeyey magaalada Wajaalle kadib markii uu ku geeriyooday magaalo madaxda DDI ee jigjiga. Maamo Khadra Daahir Cige oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Hubaal ayaa  xog warran kooban ka bixisay aqoontii iyo shakhsiyaddii Marxuum Cawke oo ay sheegtay in uu kamid ahaa xubnaha faro ku tiriska ah ee ay xidhiidhka qotada dheer ka dhexeeyey, isla markaana tiir dhexaadka u ahaa taariikhda fankeeda. Khadri, waxa ay marxuumka ku sifaysay shamac iftiinkiisu aad u siraadnaa oo ka baxay guud ahaan ummada afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna bahda fanka, iyada oo ka sheekeysay waayihii uu marxuumka soo wada qaateen in ka badan soddomeeyo sannadood oo ay is yaqaaneen “Eedo, waxaan doonayaa in aan tacsi u diro bulshadeena iyo guud ahaanba ummadda afka Soomaaliga ku hadasha aniga oo ka tiiraanyaysan geeridii naxdinta lahayd eek u timi, walaalkey, walaalkeen, AHUN Marxuum Axmed Xasan Cawke, oo aan hubo  in geeridiisu innagu bannaysay rukun weyn oo buuxintiisu ay yartay.” Sidaa ayay tidhi marwo Khadra Daahir Cige, Waxaanay ka warrantay waxyaabaha xusuusta leh ee ay shakhsi ahaan ku xusuusan doonto shakhsiyaddii marxuumka iyo sifooyinkiisi,  isla markaana qofka hadba la joogaa   aanu ka daali jirin weedhaha murtida leh ee Marxuumka afkiisa kasoo burqan jiray. Marxuumku waxa uu wakhtiyo kala duwan leh lasoo qaatay fanka, gaar ahaan hobolladii ay ka mid ahayd ee Waaberi, halkaas oo ay xustay in geerida Marxuum Cawke ay tahay mid naxdin murugo leh ku abuurtay nafteeda. Waxaanay Marwo Khadra Daahir Cige u dirtay tacsi ehelada, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda iyo Dhammaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, iyadoona Marxuumka Alle uga bariday inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, intii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. Mar aanu su’aal arrintaa la xidhiidha weydiinay  waxaa ay Fanaannadu tidhi  “Cawke waxaannu is baranay in dhawr iyo soddon sanno ka hor, waxaanu ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee mar kasta oo aad la kulanto aanad ka xiiso goynayn la joogiisa iyo sheekadiisa, shakhsiyan aniga waxaa uu ka mid ahaa dadka kooban ee fankayga taariikhda ku lahaa, taageerayaashayda markasta I dhiirigelin jiray buu ahaa…illaahay SWT waxaan uga baryayaa in uu naxariisti jano ka waraabiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga wada siiyo.  iyada oo ku sifaysay shamac

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here