“Halkan Waxaan baaq Uga Dirayaa Somaliland, Waxaad In Badan Nagu Tidhaahdeen Dimuqraadi Baanu Nahay Haddana Waxaad Xidh-dheen qof Fanaan Ah”
Hargeysa (Hubaal) – Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Marwo Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-nuura), ayaa baaq ka dhan xadhiga lagula kacay fannaan Farxaad Xiddig u dirtay xukuumadda Somaliland, waxana ay ugu baaqday in si degdeg ah loosii daayo. Marwo Hibo oo muuqaal ay iskaga soo duubtay dalalka qurbaha soo gelisay baraha bulshadu ku xidhiidho, ayaa sheegtay in baahi loo qabo in indhuhu arkaan dimuqraaddiyada ay Somaliland sheegato,waxana ay ku baaqday in si degdeg ah loosoo daayo fannaan Farxaan Xiddig oo muddo toddobaad ka badan ku xidhan Hargeysa,“Halkan waxan ka dirayaa baaq aan u dirayo Somaliland, waxa aad in badan nagu tidhaahdeen dal Dimuqraaddi ah baanu nahay oo aanu dunida ka iibino oo kala dambayn baanu leenahay, haddana qof Fannaan ah oo Soomaaliyeed oo aan waxba dhimin baad xidheen, labadaasima is-qaban maayaane soo daaya Fannaanku waa muraayad la iska daawadee.” Ayey tidhi Hibo Maxamed Huddoon. Hibo Maxamed waxa ay sheegtay inaanay fannaaniintu lahayn wax xuduud ah, isla-markaana yihiin meelkasta oo ay Soomaaliya joogtaa dalkooda tahay. Fanaan Farxaan Xiddid, ayaa dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa, kadib markii lagu eedeeyey inuu faraha la galay arrimo siyaasi ah, isla-markaana fikirka Soomaaliweynta uga dhex ololeeyey Somaliland dhexdeeda, balse wali wax maxkamad ah lama soo taagin.