Hargeysa(Hubaal) Xog-hayaha Xuquuqal Insaanka ee Xisbiga Ucid Xusseen Badmaax ayaa Xukumada Madaxweyne Siillaanyo ku eedeyey in ay la soo baxday dhaqano cusub oo ugub ku ah Somaliland, kaasi oo uu sheegay in ay ku cabudhinayso Xisbiyada mucaaridka ee Somaliland, waxanu tilmaamay in Qorshaha cusub ee xukumadu la soo baxday uu yahay mid la yaab ku noqday Xisbiga Ucid, kadib markii Maamulayaasha jamacada Dalka ee wakhtigan ay socoto qalinjabinta ardayda ay xukumadu u gudbisay in xafladaha qalinjabinta aanay ka soo qaybgaalin Masuuliyiinta ugu sarsareeya ee Xisbiga Ucid, waxaanu go’aankaasi ku tilmaamay Mid gef ku ah Xuquuqda Qofnimo iyo ta muwaadinimoba.
Sidaasi waxa uu ku sheegay Wareysi Gaar ah oo Maanta Siyey Wargeyska Waaheen.
Waxanu yidhi. “Runtii waxad ogtihiin In xukumada Madaxweyne Siilaanyo ay marayso jidkii Siyaad Barre uu maray, wax yaabaha la yaabka naggu noqday waxa ka mid ah In Xukumadeeni ay ku tidhaahado Maamulada Jaamacadaha Dalka inta ay warqad u soo qorto xafladihiina Qalinjabinta Ardayda yaanay ka soo qaybgalin Xisbiyada Mucaaridku Gaar ahaa Xubno Xisbiga Ucid ka Tirsan sidda Musharax Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jaamal Cali Xusseen, Guddoomiye Ku-xigeenka 3aad Cali Guray, Xog-hayaha Maaliyada Faadumo Siciid, runtii warqadaasi waxay ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland waa nasiib darro in Madaxtooyadeeni dhammayd ay tidhado Xubnaha Siyaasiyintaasi ah haddii ay ka soo qaybgaalan Xafladada Qalin jabintiina Anaguna ka soo qaybgali mayno, laakiin Ismay Wadiin Xubanaha ay leeyihiin ayaan ka soo qaybgalin xafladaha Qalinjabintiina in Caruurtoduba ay qalinjabin kartoba jaamacadahaasi, amaba Xisbiguba Arday uu ka bixiyo Lacagta jaamacada, taasi waa mid xuquuqdii qofku lahaa laggu tuntay waanuna cambaareynaynaa, Xukumada waxan ugu baaqaya in wixii shacabka kicinaya ay ka waantowdo.”Ayuu yidhi Xusseen Badmax
Xusseen Badmaax waxa uu wasaarada Duulista iyo hawda ku eedeyey in dadka la jaarka Madaarka ay ku hayso dhibaato joogta ah. Waxanu yidhi. “Marka la Sameynayo Xayndabyada Madaarada waxa sameeya Dad Injineero ah oo aqoon dheer u leh, kuwaasi oo ka baarandaga nooca uu yahay nooca loo sameynayo iyo in bulshada deegen deeganka Madaarada u dhow waxa dhibaato ah uu ku keeni karo, marka Cidda ugu horeysa ee Ahmiyada la siiya waa dadka la jaarka Madaarada, haddaba markii la sameynayey Xayndaabka cid aqoon leh oo Injineero ah looma dirin, waxa sameyey Labba Wiil oo yar yar oo madaarka joogga iyo Wasiirka, kuwaasi oo aan eegin dadka Muwaadiniinta ee u dhow, runtii Labba Todobaad ayuu jiray Xayndabkaasi durba waxa ka dhacay Shilal baabuur oo dad muwaadiniin ahi ay ku dhacameen, Goobta waa la Tagay Madaxdhaqameed ayaa tagay iyo Musharax Madaxweynaha ee Ucid waanu ka hadlay, laakiin waxa aanu la yaabnay in nin caaqil ah oo la yidhado Cabdirashiid horena u ahaan jiray Guddoomiyaha Guddida Deegankaasi balse imika waxa xil ah aanu haynin, marka ninkaasi oo uu soo diray wasiirka Duulista oo doonaya in uu dhibaato ka dhex riddo dadka deeganka.”Ayuu yidhi.