Khudbad Dardaaran Iyo Wadaniyad Xambaarasan Oo Madaxweynaha Somaliland ku Gunaanaday Shirkii Wada-tashiga Golihiisa Wasiirrada
“Far Keliyi Fool Ma Dhaqo Oo aniguba waan u baahan nahay waxan laydin baraye waxay ila tahay in anigana….”
++++++++
“Waxa Caado Innoo Noqotay Sidii Uu Gabaygii Xaaji Aadan Af-Qallooc Sheegayay Dhawr Iyo Lixdankii Oo Haddi Ninka Meel Loo Magacaabo Ama Uu Dhawr Shahaado Iyo Wax Qaato Uu Tayga Isku Giijiyo……Waxaa Innoo Ballan Ah In Aynu Mar Walba…” – Madaxweyne MBC
Hargeysa (Hubaal) – Waxaa shalay la soo gabagabeeyey kulankii wada-tashiga Golaha wasiirrada uga socday Hotel Royal Palace ee Hargeysa. Kulankan wada-tashiga ah waxaa looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha iyo dardaragalinta hawlaha qaran ee horyaalla xukuumadda cusub, waxaana goob joog ka ahaa muddadii uu socday kulankani Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici. Wada-tashigan oo socday muddo 4 maalmood ah soona bilaabmay 23-kii December 2017, waxay xubnaha wasiiiradu yeesheen doodo is daba jooga iyo falaqayn ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, iyagoo ka duulaya barnaamijka qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII) iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye ee uu ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada, si loo fuliyo ballan qaadyadii xisbiga.
Kulankan oo gebogabadiisii ay kasoo baxeen war murtiyeed xambaarasan saddex iyo toban qoddob waxaa soo xidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:-
- In xubnaha golaha wasiiradu ay si wada jira u shaqeeyaan, iskana kaashadaan hawlaha qaranka ee horyaalla.
- In qorshaha xukuumadda lagu saleeyo barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII).
- In la xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda, lana kordhiyo dadaalka loogu jiro ictiraaf raadinta.
- In la xoojiyo amniga gudaha, si buuxdana loo sugo xuduudaha dalka.
- In la dhiiri-galiyo lana fududeeyo maal-gashiga, si loo abuuro fursado shaqo.
- In la kordhiyo dakhliga , dib u habaynna lagu sameeyo Maamulka Maaliyadda.
- In la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal u helidda Sicir-bararka.
- in kor loo qaado wax-soosaarka dalka, bulshadana lagu dhiiri galiyo inay tabcadaan.
- In kor loo qaado adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Somaliland loo fidinayo.
- In dhidibada loo aaso nidaamka maamul-wanaaga, laguna dhaqmo daah furnaan iyo caddaalad.
- In la dajiyo qorshe qaran oo ku wajahan ka hortaga iyo wax ka qabashada abaaraha.
- In dadaal dheeraada lagu bixiyo sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda.
- In hindisaha wax-qabadka madaxweynaha ee boqol iyo labaatanka cisho(120) ee u horeeya xukuumadda la fuliyo, wasaarad walbana ay qaybta kaga soo hagaagaysa fuliso.
Geesta kale khudbad uu Madaxweyne Biixi gebogabdii kulankaas ka jeediyey ayaa uu kaga warramay caqabadaha hor yaalla xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay iyo sida ugu haboon ee looga gudbi karo. Waxaanu hadalkiisa ku billaabay “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa golaha wasiirrada iyo Madaxweyne ku-xigeenkaba hawshan qaran ee aad qabateen afartii cisho ee loo dhigi karo rag meel lagu xidhay, oo is yidhi ha soo bixina illaa aad talo keentaan oo aad wax soo saartaan, waana xeer iska jiray Soomaalidii iyo dadkoo dhanba hadday wax xukumayaan oo ay dad u garqaadayaan iyo hadday tallo adag xalilayaanba caalamkoo dhan waa la go’doomiyaa cidda la doonayo inay maskaxda shiilaan, oo in aan dadka maskaxdooda la soo faro-gelin oo waxa kale soo jeedsan ayaa iska dhaqan ah adduunka oo dhanba qoloba af ay u bixisaba. Markaa afartii cisho waxa laydiin xidhay oo meel cidla ah la idiin geeyey, qaranku wuxuu innaga sugayaa hawl badan iyo culays badan oo idinka idin saaran oo innaga ina saaran, dabadeed intaynaan hawsha gelin in aynu kasii tashanno hawsha, oo aad iyo aad u lafo gurno, axadhno innagoo fikir qudha wada wadana oo meel qudha wada socona oo si isku mida hawsha u qabanayna inaynu soo saarno wakhtigaaba innagu yaraaye, markaa aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa wakhtiga badan rag odayaala oo qol lagu xidhay oo afar cisho xidhnaa ama intaas oo caano-maal waa hawl qaran.” Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay wasaaradaha inay ku dhaqmaan inay wax isla gorfeeyaan inta aanay hawsha ay qabanayaan bilaabin, waxaannu yidhi; “Waxaan jecelahay inay bilow inoo noqoto in wasaarad waliba gudaheeda intaa in leeg marka ay wax qabanayso kolka hore intaanay faraha la gelin ay tashato, in sharciyada lagu shaqaynayo la eego habka loo qabanayo in laga heshiiyo dabadeedna wadar loo dhaqaaqo, waayo, waayo-arag badan baa ina tusaya dadka haddaanay marka hore sida wax loo qabanayo, aragtida iyo sharciga lagu shaqaynayo haddaan laga heshiin muran badan iyo kala cabashaa yimaada. Markaa taasaynu kaga cararaynaa, waxaanay noqon doontaa inay dhaqan inoo noqoto oo markii muddo la shaqeeyaba mar la is hubsado guud ahaan, wasaarad walba iyo hay’ad walbana gaarkeeda isu hubsato golayaasha kale ee qarankana sidaa kula shaqayno, ayaan leeyahay haynoo noqoto dhaqan.” “Maanta (shalay) Baashe guddoomiyaha wakiillada ayaanu kulanay wuxuu yidhi ‘miyaanu raggii ciddi kasoo noqon?’ Waxaan ku idhi ‘iyagaaba jeclaystay oo ciddi kama soo noqon, wuxuu yidhi ‘dee waan sahan tegayaaye meesha ay tageenna waa meel fiicanoo waa ay iska nasanayaane, ma iyagoo qudhaa la xanaanaynayaa ragga kale miyaan la eegayn”. “kaalay ila soo arag baan idhi raggu wuxuu hayo,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay khubarro ka qaybgaatay kulankaas wada-tashiga ahaa, waxaannu yidhi; Waxaan u mahadnaqayaa raggii hawshan ka qaybqaatay ee waayo aragnimadooda innagu biiriyey, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Prof. Cismaan Sheekh Axmed oo isagoo hawlihiisa wata aan kala hadlay Washington oo uu degan yahay malaa 40-sannadood iyo dheeraad oo aan ku idhi ‘waxa kale iska dhig oo kaalay dalkaa kuu baahane, waxaad shaqaynaysay shaqaysay.’ Waxa kale oday baad tahay maanta waanu kuu baahan nahay, rag badan baan la hadlay isaga mooyaane oo meelo badan jooga oo aan ka doonayey inay sidan u yimaadaan oo ay hawlahan bixiyaan, Saleebaan isagaaba u yimi furitaankii marka horeba wuxuu la sii shaqaynayey machadka shaqaalaha. Markaa wuu iga aqbalay toosna wuu u yimmi, saddex cisho markuu joogayna wuxuu soo galay hawsha. markaa aad baan ugu mahadnaqayaa si gaara waayo raggii la da’ada ahaa ka ugu cudur daar yari wuxuu igu yidhi “waar ninyow dhakhtarkaas baanan ka maarmayn, markaa aad baan odayaasha ugu mahadnaqayaa.” Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqay wasiirradiisa in macluumaadkii ay ka korodhsadeen kulankaas ay hirgeliyaan; “Hadalku wuxuu ku koobnaanayaa maanta hawshaa aynu qabanay inaynu hirgelino, malaa aniguba waan u baahan nahay waxan laydin baray maanta ee odayaashii waa weynaa Yaasiin oo kale uu leeyahay wax cusub baa nala baray sida laysu taago, waxay ila tahay anigana yaanan goordhow isku qaldamine anigana ha laygu daro. Waxaa inoo ballan ah inaynu mar walba wada tashanno waxna is xasuusino, beryahan danbe waxa caado innoo noqotay in laga xishoodo waxaas ma garanaayo, waliba ninku haddii meel loo magacaabo ama dhawr shahaado iyo wax qaato oo taygaa isku giijiyo sidii gabaygii odaygii Af-qalooc uu sheegay dhawr iyo lixdankii, waxaa laga yaaba inuu kaba xishoodo in wax loo tilmaamo oo loo sheego. Ilaahayna (SWT) Qu’raankiisu ku sheegay is xasuusiya, xusuustu muslimiintay anfacdaaye, marwalba iyo saacad walba in wax lagu xusuusiyo waad u baahan tahay oo wax laguu sheego iyo inaad wax korodhsato, waxaana sunne ah qofku intuu aqoon korodhsado ayuun bay hoggaamintiisu hagaagaysaa akhri, ama dhegayso waxaa weeye kolkaa waa inaynu ka dhiganaa caado,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Waxaan is dul taagayaa qoddobka ah inaynu ku noqono midnimada iyo wada tashiga ilaa heerka hoose ee waaxda hoose ah, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa dhammaantiin, machadka shaqaalahana waan u mahadnaqayaa, Guuleed Hagoog, waxa machadkaasi uu hayaa cilmi badan, qiimo bandanna wuu inoogu fadhiyaa. waxaan u mahadnaqayaa qolada garsoorka ee caddaaladda ka shaqaysa looyarro ama garyaqaanka guud oo anigu intii imika aan toddobaadkan la shaqaynayey aan aad ugu mahadnaqayo, waayo waxaad moodaa wixii shuruuc dalka yaalay in la diyaariyey oo xeer nidaamiyihii dawladda la diyaariyey oo aad is odhanayso haddii waxanba la diyaariyey muxuu marwalba u yimaadaa khilaafka iyo is afgaran waagu, ma dadkaan waxba akhriyeyn miyaanay gaadhin? Qoladaa keydka inoo hayaan aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waxaanan ku faraxsanahay dhallinyarada jaamacadaheenna ka soo baxay ee sharciga yaqaanka ah inay badan yihiin oo ay si fiicana u hayaan sharcigii iyo xusuustii hoggaanka.” Innaga waxa ina horyaala in si hor ilaahay ah inaan inta ugu badan dedaali doono, wixii dalka ka qabsooma shicibkuna abaalka ma qariyaan hadday arkaan wax toosan way na gargaarayaan, waxaa inoo ballan ah inaynu qaranka u wada shaqayno innagoo middaysan oo isku jiho ah. wixii khilaaf yimaada aynu wada xalino oo dawladdu ahaato far keliya, bani’aadan baynu nahay shaqooyin kala gaar ah ayeynu qabanaynaa, wasiirradaa isku dhacaya, aniga iyo wasiirradaa isku dhacayna, baarlamaanka iska hor imanaya, garsoorka layska hor imanayaa. Markaa hogaamintu waa in la xalilaa mushkilada, inay mushkiladu dadkii la xukumaayey u talowdo maaha. Markaa waxa imanaya shaki iyo shaydaan, laakiin dadkani waa inay iyagu gudahooda ku qabtaan wixii mushkilada oo ay taa bartaan haddaynu taa baran weyno, waxba ma hoggaamin karno, dad loo sheegayo ma tihidin intiina badani waad soo marteen hawshaas waa inoo ballan iyo shaqo daacad ah iyo dalkeenoo aynu si wanaagsan ugu adeegno,”ayuu ku dardaarmay madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi .