Hogaamiyaha Gambia Yaxya Jammeh Oo Diiday Natiijadii Doorashada

0
43

hogaamiyaha-gambia

Hogaamiyaha Gambia Yaxya Jammeh ayaa diiday natiijada doorashadii madaxtinimada ee la qabtay bilowgii bishan, todobaad kaddib markii uu aqbalay in laga adkaaday.

Mr Jammeh ayaa sheegay in codbixinta ay saameysay “wax isbdaba marin” waxa uuna ku baaqay in loo dareero doorashooyin cusub. Mr Jammeh oo awoodda dalkaasi 1994 kula wareegay afgambi, ayaa waxaa ka adkaaday Adama Barrow, kaasi oo ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 43.

Mr Barrow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha talada haya inuu dimuqraadiyadda ku waxyeelaynayo diidmadiisa inuu aqbalo natiijada doorashada. Kooxdiisa ka shaqeynaysay la wareegidda xilka ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay uu badqabo.

Natiijooyinka ayaa 5-tii Diseembar waxaa dib u eegis ku sameeyay guddiga doorashada ee dalka, markaa oo ay soo baxeen in sanaadiiqda codbixinta ee hal deegaan si khalad ah loogu daray codka Mr Barrow.

Khaladka oo sidoo kale codad ugu daray musharaxiinta kale, “ayaanan wax ka badelin natiijada guud”, waxaa sidaasi sheegay guddiga doorashooyinka.

Si kasataba ha ahaatee, taasi waxa ay boqolkiiba 9 ka soo yareysay guushii Mr Barrow oo ay ka dhigtay boqolkiiba 4.

Mr Jammeh ayaa sheegay in haatan uu “gebi ahaanba diiday” natiijooyinka doorashada.

Xigasho:bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here