Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan qaabka ay ula tacaashay rabshadaha ka socda gobolka Rakhine iyo dhibaatada haysta qaxootiga Rohingya.
Khudbad ay jeedisay Salaasadii Shalay ayaa hogaamiyaha Myanmar waxa ay canbaaraysay ku tumashada xuquuqda aadanaha ,balse kuma aanay eedeeyn ciidamada islamarkaana kama aanay hadlin eedeeynta ah isir sifeyn.
Hogaamiyayaasha iyo dublamaasiyiinta dhowr dal ayaa muujiyay sida ay uga niyad jabeen mowqifkeeda. In ka badan 400,000 oo ah dadka Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh tan iyo dabayaaqadii bishii August.
Xasilooni daradan iyo rabshadahan ugu danbeeyay ee ka taagan gobolka Rakhine ayaa waxa sii huriyay weeraro lagu qaaday saldhigyo ay booliiska leeyihiin.
Dowlada Myanmar ayaa weeraradan ku eedeeysay Jabhadda ,Arakan Rohingya Salvation Army (Arsa). Howlgalada militariga ayaa la sheegay in ay dad ku dhinteen islamarkana waxaa jira eedeeyn ku saabsan in tuulooyiinka Rohingya la gubay.
Dadka Rohingya, oo ah intooda badan Muslimiin laga tira badan yahay ayaa waxa ay dowlada Myanmar u diiday in ay siiso dhalashada dalkaasi. Dowlada Myanmar ayaa sheegtay in dadka Rohingya ay asal ahaan ka soo hijroodeen dalka Bangaladesh,waxa ayna ugu yeedhaan Muslimiinta Bengali.
Khudbad ay u jeedisay baarlamaanka dalkaasi ayay Ms Suu Kyi waxa ay ku sheegtay in tan iyo 5 september aanay jirin wax isku dhacyo ah oo ka dhacay gobolka Rakhine.