Nuxurka Bayaan Ay Soo Wada Saareen Madaxda 20 Dalal ee Dhinaca dhaqaalaha ugu tunka weyn caalamka Oo Labadii Maalmood Ee U Dambeeyey Ku Shirayey Dalka Argentine
Hargeysa (Hubaal) Hogaamiyayaashani 20 dal ee dhanka dhaqaalaha ugu tunka wayn caalamka ayaa isku afgartay in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka ganacsiga caalamka.
Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkan oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku shirayey Dalka Argentine ayaa ku heshiiyay isbadal guud oo lagu sameeyo qaabka ururka ganacsiga u imika u shaqeeyo.
Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wariyayaasha u sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la casriyeeyo ururka ganacsiga aduunka.
Ajandeyaasha ugu muhiimsanaa ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa arrinta cansuuraha oo beryahan dambe buuq badani ka taagnaa.
Dhanka kale Mareykanka iyo Shiinaha ayay u muuqataa in ay is afgarad ka gaareen dagaalkii ganacsiga ee u dhaxeeyay.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan ay yeesheen ka dib shirwaynaha wadamada G20 waxay isku raaceen in la jooojiyo muddo 90 maalmood ah canshuraha cusub ee ay horay u soo rogeen.
Saraakiisha Shiinaha ayaa waxay sheegeen in ay Mareykanka isku afgarteen in wax canshuura cusub aan la soo rogin wax ka dambeeya 1 bisha Janaayo.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in heshiis la gaaro si hoos loogu dhigo xiisadda ka dhalatay khilaafka ganacsiga.
Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa billaabmay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu canshuuro dheeraad ah ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno.
Shiinaha ayaa dhankooda ku jawaabay canshuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogeen badeecooyiinka Mareykanka ee shiinaha loo dhoofiyo