Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga soo horjeestay mudddada halka sanno iyo 10-ka bilood ah ee Guurtida Somaliland u kordhisay Xukumadda Siilaanyo iyo Wakiilada.
Masuuliyiintan oo Saxaafadda la hadlay kadib markii go’aanka guurtidu soo baxay ayaa sheegay inaan muddo kordhintaasi loo hayn cudur daar sharci ah, sidoo kalena Somaliland ay ku keenayso cawaaqib xumo mustaqbalka dhanka caalamka ah.
Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horayn naqdiyay Guurtida iyo Wakiilada “Horta Somaliland waxay u tahay maanta Maalin madow, Maalin Murugo leh weeye. Nimanka halkaas fadhiya ee Guurtidu maanta Somaliland way dileen, iyagu waxay isleeyihiin idinkuna nasteexaysta, Wakiilada u nasteexeeya oo Xukumadda u nasteexeeya laakiin qarankii way dileen. Waxa weeye Guurtidu markeeda horeba bilaa Sharci ayay ahayd, Wakiiladuna 5 sannadood ayay bilaa sharci ku fadhiyaan. Labadaas goleba waxay ku fadhiyaan Xaaraan waxay soo saaraana maaha wax dhaqan gali kara oo sharci ah. Arrinta Guurtida ka soo baxday waxay inoo sheegaysaa inaan Odayaashaas iyo Caruurtaas Aabayaashood Kuraasta ka dhaxashay aanay dal iyo dad toona u danayn ee ay dantooda ka fikirayaan”
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay “Guubaabadii iyo taladii aanu sheegnay haddii nalagu diiday anagu waxaanu ku soo noqonay wakhtigii Komishanka ee ahaa 1-da June 2016-ka ee Saddexda Xisbina hore u ogolaadeen, Arrintuna waxay maanta hor taalaa Madaxweynaha Somaliland oo ilaa 26-ka June 2015-ka Sharci ku fadhiyaya.Bari ayay Imanayaan wefti Beesha caalamka ka socda ee haddii Madaxweynuhu isla caawa soo saari waayo Digreeto uu ku deedifaynayo Go’aanka guurtida bilaa sharciga ahi soo saartay oo uu ku ogolaanayo wakhtigii Komishanka waxaa noo caddaanaysa inaan Xukumaddiina shaqaynayn, markaa kol haddii Xukumaddii fulinta ahayd shaqayn wayday, Wakiiladii la soo doortay Sharci darro tahay, Guurtidii 23 sanno fadhido waxaa dadka la gudboon wadatashi qaran si dawlad dadka badbaadisa oo shaqaysa loo dhiso”
Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isna sheegay inaanay go’aankan aqbali karrin “Go’aankaasi waa mid aanu Xisbiga Waddani aqbali karrin. Waxaanu qabnaa in lagu noqdo 1-da June 2016-ka si doorasho wakhtigaas loo qabto. Waxay ila tahay Xalka furan ee go’aanka guurtidu waxa weeye in Madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyo sidii loogu noqon lahaa go’aankii Komishanka ee ahaa 1-da June 2015-ka, Beesha caalamkuna ay gacan buuxda nagu siiso si go’aankaas loogu noqdo” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Cirro.
Gudoomiyaha Waddani Oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Go’aanka guurtidu gaadhay waa go’aan heshiiskii iyo khilaaf la’aantii Somaliland ku bedelaya in khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayni Somaliland ka abuurmo. Waa go’aan Somaliland galin kara gadoon caalami ah, waxaad ka warqabtaan in Saaxiibada daneeya hanaanka dimuqraadiyadda Somaliland ee Caalamku inagu soo noqnoqonayeen oo maantadan ay imanayaan iyagoo safiirka midawga Yurub hogaaminayo. Go’aankaasi wuxuu sabab u noqon karaa in Somaliland waydo Kalsoonida Beesha Caalamka.
Go’aankaasi wuxuu micno tirayaa hanaankii dimuqraadiyadda ee Somaliland ku soo dhaqmaysay. Go’aankaasi wuxuu ka soo horjeedaa rabitaanka Shacbiga Somaliland, sida Salaadiintu muujisay ee shacbigu muujiyay ee asxaabtu muujisay. Golaha guurtida oo ku suntanaa la dagaalanka khilaafku, wuxuu go’aankaasi muujinayaa in markii u horaysay uu khilaaf abuurayo abuurina doono.”
Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa isagu soo dhaweeyay go’aanka guurtidu wakhtiga ugu kordhisay Xukumadda, waxaanay sheegeen inay ku bogaadinayaan Odayaasha guurtida go’aanka ay ka qaateen Muddo kordhinta maadaama wakhtigu ka dhamaaday Xukumadda.