Xukuumadda Iyo Asxaabta Mucaaridka Oo Aragtiyo Kala Fog Ka Bixiyey Tallaabada ay EU-du Ku Xidhay Xafiiskoodii Hargeysa
“waad arkaysaan in beeshii caalamku ay Somaliland iskaga baxayso, beesha caalamka saaxiib baynu ahayn, xafiiskan waxa la furay 1995 xaalada berigaa jirtay waad garanaysaan oo xili dagaalo sokeeyo dalka ka jiraan oo nabadgelyo aanay jirin ayay xafiiskoodii ka fureen Berbera, markaa maanta oo nabadgelyo inay guuraan waxa keenay macaamiil xumada diblumaasiyada xukuumadda” guddoomiyaha xisbiga Waddani sidoo kalena ah guddoomiyaha golaha wakiillada
“waxay arrintani daba socotaa waa doorashada la laalay iyo heshiiskii la saxeexi la’ayahay, arrintanina waa ta u horeysa waxa jirta talaabooyin badan oo ay qaadayaan beesha caalamku, ta aan bulshada u sheegaynaa waa shasaaraha guurtidu ina gelisay oo laashay go’aankii komiishanka, heshiiskii asxaabta iyo madaxweyne ku-xigeenku saxeexay wataa khasaaraheedii maanta waxa uu dhalay in xafiiskii ugu weynaa ee ilaa iyo maalintii dalka la soo galay ee hay’addii ugu gacanta weynayd ee EU-du ay maanta dalka ka guurto” guddoomiyaha xisbiga UCID.
“waxa nasoo gaadhay wallow aanu si official ah ama wax qoraal ahi nooga imanin ama na soo gaadhin, hase waxa sida aad u sheegtay ku talo jiraan sida aanu u maqalnay inay khafiifg=iyaan oo shaqaalaha dhimaan oo bal meel kale u guuraan si kharashkooda iyo lacagtooda u yareeyaan, qadiyaduna waxay ku samaysan tahay xaga lacagaha iyo kharashka in iyagoo ku sababaynaya in xafiiskii hoos loo yar dhigo, weli official noomay soo qorin oo weli wadahadalo ayaanu la yeelan doonaa markay warqad ofishal ah noo soo diraan” wasiirka Arrimaha dibada Somaliland.
Halkan Ka Daawo