Hogaanka Xisbiga Waddani Ee USA Oo Shir Ay Isugu Yimaadeen Gobolka Verginia Guddoomiye Ugu Doortay Marwo Nuura Axmed Waris

0
24

Virginia(Hubaal):-Hogaanka sare ee xisbiga Waddani ee USA oo munaasibad iskugu yimi ayaa guddoomiye udoortay gobalka Verginia Marwo Nuurta Axmed Waris oo ahayd masuuliyiintii xisbiga ee Maraykanka.

Shirkan oo ay gudoominaysay Gudoomiyaha USA ee xisbiga Waddani Marwo Muna Fidhin waxa iskugu yimaaday gudiyadii ay ka koobnaayeen hogaankaasi , waxana kulankani uu daarnaa sidii hogaan haga loogu samayn lahaa gobalkaasi Verginia.

nAFISAGuddoomiyaha USA Marwo muna fidhin oo la hadashay madaxdii ka soo qayb qashay kulanka ayaa ku dheeraatay ahmiyada maamul wanaaga iyo wada shaqayntu uleedahay bulsho kasta oo dan iyo hadaf ku midaysan waxaanay ku dheeraatay sidii loo laba laabi lahaa dar dargalinta hawlaha xisbiga ee Qaarada Amerika iyo iskaashiga dhaqaale iyo taageero si ay qayb lixaadle uga qaataan hawlaha dar dar galinta xisbiga iyo doorka ay ku leeyihiin. Waxanay tidhi “ waxa aynu halkan iskugu nimi inaynu hogaan cusub udoorano gobalka verginia oo ah gobal baahi badan looga qabo in xisbigu gudoomiye wanaagsan u doorto iyo inaynu dar dar galino hawlaha xisbiga iyo horumarkiisa si aynu ka qaarad ahaan unoqono kuwo laf dhabar u ah hawlaha xisbiga ee guud iyo kuwa dhex deenaba , taasina waxa lagu gaadhi karayaa midnimo wada jir iyo iskaashi xoog badan oo aynu samayno waxanu halkan caawa xilka gudoomiyaha gobalka Vergina ugu xilsaaranay Guoomiye / Gudoomiso Nuura Axmed Waris oo aynu urajaynayno  in ilaahay la garab galo hawlaha shaqo ee xisbiga ay u ahayso waxan idin kula dar daarmayaa inaad noqotaan kuwo ku mashquula horumarka iyo iskaashiga hawlaha xisbiga iyo wadankeenaba si aynu ubadalno dhibaatada dalkii ka haysata bulshadeenii”

Masuuliyiin badan oo kale oo ka hadlay intii kulankani socday ayaa amaan usoo jeediyey gudoomiye Muna  sida ay hadh iyo habeen ba ugu heelan tahay hawsha baaxada leh ee xisbigu ka waddo qaarada Ameerika waxaanay  alle uga baryeen inuu ku guuleeyo hawsha ay hayso .

Gabo gabadii waxa munaasibadan hadalo mahad naq ah kasoo jeedisay Gudoomiyaha Cusub ee loo daartay Gobalka Verginia Marwo Nuura Axmed Waris oo masuuliyiintii munaasibada ka soo qayb galay ka codsatay inay alle uwaydiiyaan in uu ku asturo xilkaas loo igmasay oo uu ufududeeyo” waxan aad ugu Mahad celinayaa kulankan khayr ka qaba ee aynu iskugu nimi waxan aad ugu faraxsanahay xilka aad ii igmateen oo ah xil qiimihiisa leh una baahan dadaal iyo karti dheeraad ah iyo gacan aan ka helo taageerayaasha xisbiga ee gobalka iyo masuuliyiintiinaa caawa halkan fadhida waxaanan idin waydiinsanayaa inaad alle ii waydiisaan inuu igu asturo xilkaasi”

Isku soo wada duuboo waxa mudooyinkii ugu danbeeyey socday hawl galo abaabul iyo dib u habayn ah oo ay wadeen hogaanka USA oo ay hormuud utahay Marwo Muuna fidhin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here