Qormadii 1aad ee Sooyaalka Siyaasadeed Ee Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada. W/Q: Sacad X. Maxamuud Gadhle
Hayaanka dimuquraadiyadu waa nidaam hab Doorasho oo ay ku dhaqmaan Wadamo badan oo Dunida guudkeeda ku yaala waana nidaam hab doorasho oo ay Bulshda qaybaheeda kala duwani Xuquuqdooda ka heli karaan waxaanu Dalka S/land ka hirgaliyay nidaamkan hab doorasho ee Dimuquraadiyada Sannadkii 2001 iyadoo Bulshada S/land u codaysay Distoorka Qaranka Jamhuriyada S/land 31/5/2001 iyadoo doorashadii u horaysay ee Golayaasha Deegaanku Dalka ka dhacday Maalin ku Taariikhaysan 15/12/2002. Iyadoo qormadan diirada ku saari doono Sooyaalka Siyaasadeed ee Gabadhii Koowaad ee ka mid noqota Golayaasha Deegaanka Dalka gaar ahaan 21 Xildhibaan ee loo doortay Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley waa Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh }oo maanta haysa Xillka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada. Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh } Aabaheed waxuu ka mid ahaa Maalqabeenadii u horeeyay ee Bulshada Soomaaliyeed Magaciisu wada gaadho sidoo kale Alle ha u naxariistee waxuu ahaa X Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh} Oday Samo Talisa oo hadal yaqaana isagoo Xaajigu ka mid ahaa Odayadii Xoriyad doonka ahaa sidoo kale Xaaji Ismaaciil Yoonis { Xaaji Gaydh } waxuu ka mid noqday Gudi Sheekh iyo Shariifba lahayd oo Magaalada Muqdisho u tagtay in Darajada Dagmonimada Gabiley gaadho” iyadoo Taariikhdu xusayso in Odayadii dib ugu soo laabteen Deegaanada Gabiley ka dib markii ay mudo Bilo ah joogeen Magaalada Muqdisho halka ALLE ha u naxariistee {Xaaji Gaydh } uu kaga hadhay Magaalada Muqdisho ilaa uu ku soo guulaystay 1963 in Magaalada Gabiley Darajada Dagmonimo qaadato sidoo kale Alle ha u naxariistee Xaaji Gaydh waxaa lagu xasuustaa Kaftano Murti Xambaarsan oo taariikhda ku xusan .
Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Marwo Khadra X Gaydh waxay kaga qornayd Liiskii Murashaxiinta Ururkii Kulmiye ee Madaxwayne Siiraanyo Aasaasay NO 2 Liiskaas oo loo gudbiyay Kumishanka Doorashooyinka Nassib wanaagna Marwo Khadra X Gaydh waxay noqotay Marwada kaliya ee loo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka Dalka halka Ururkii Kulmiye uu kaalinta Labaad u galay Sadex Urur oo u soo gudbay Darajada Xisbinimo .
Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay libin laabtay in Xisbigii Kulmiye la barbar joogsato dadaalo xoogan oo ay ku xaqiijinaynayso sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysan lahaa Hogaaminta Dalka waxaanay qayb wayn ka qaadatay kaanbaynadii uu Xisbiga Kulmiye u soo galay siduu u xaqiijin lahaa Hogaaminta Golaha Wakiilada waxaana hubaala in Doorashadii Golaha Wakiilada ee Dalka ka dhacday 29/9/2005 in ay si hagar la”aana ugu ololaysay Murashax C/casiis Samaale nasiib wanaagna uu ku guulaystay in uu ka mid noqdo Shir Gudoonkii Golaha Wakiilada Maalin ku taariikhaysan 29/10/2005.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh waxay u tartantay Hogaaminta Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley iyadoo Maalin ku Taariikhaysan 13/3/2006 loo doortay Gudoomiye ku Xigeenka Dagmada Gabiley waxaana xusid mudan guul daradii ku dhacday Xildhibaan Muxumad Ciise Cige {Tiyota } oo kula tartamay Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley halka Gudoomiye loo doortay Xuseen Muxumad Axmad { Jameeco}.
Sida ku cad Sooyaalka Siyaasadeed ee Agaasimaha Guud Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh 11/5/2011 Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee waqtigaa DR Gaboose ayaa ku sime Maayar uga dhigay Dagmada Gabiley ka dib markii Hanti Dhawrku baadhis Xisaabeed ku sameeyay Maayarkii Waqtigaa Aadan Muxumad Bade kuna eedeeyeen in uu ku kacay Musuqmaasuq inkasta oo Eedayntaa Maxkamad la hor keenin .
Hogaamintu waa Galad Eebe waxaa xusid mudan in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra X Gaydh in ay mudo 1o Bilooda oo u dhexeeya 11/5/2011 ilaa 13/3/2012 oo Maayarka Dagmada Gabiley ahayd ay ku Talaabsatay Waxqabad Muuqda oo Diiwaanada ku qoran iyadoo ka xusi karno Waxqabadkii Muga lahaa ee ay ka muujisay Kartida Haweenka qodobada soo socda :
1: Marwo Khadra X Gaydh waxay noqotay Maayarkii Koowaad ee dib u dhis iyo Balaadhin ku sameeya Xarunta Dawlada Hoose ee Dagmada Gabiley waxaanay dhistay Hoolka Shirarka Dawlada Hoose oo meesha ka saaray Kiradii ay Dawlada ka kiraysan jirtay Hotelada Magaalada.
2: Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay Wadooyin Shana ka dhistay Gudaha Magaalada Gabiley oo Diiwaanka Waxqabadkeeda ku xusan .
3: Sidoo kale Khadra X Gaydh waxay Kaalmo Lacageed ku dartay Mashaariic ka socotay Dagmooyinkii ka go”ay Dagmada Gabiley waxaanay noqotay Maayarkii Koowaad ee Bulshada Dagmooyinka WAjaale iyo Alaybaday Kalsoonida Golaha Deegaanka soo celisa.
4: Mar kale Khadra X Gaydh waxay samaysay Wado Laamay 500 Mitira ah oo dhex marta Magaalada Kalabaydh gaar ahaan Wado Dhib badan ku haysay Gawaadhida jaadka keena .
5: Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay iibisay Dhulka uu ka dhisan yahay Guriga Martida waxaana xusid mudan goobta ay u doortay oo ah goob ka duwan Dhulka kale oo Dhagxan waawayn oo Dabiiciya oo is dul saran ALLE dhigay waxaana lagu Magacaabaa{ Dhagaxa Carabka}
6: Sidoo kale Marwo Khadra waxay markiiba bilawday Dhismaha Guriga Martida hadii Laba Bilood Xillka hayn lahaydna oo Sannadku u buuxsami lahaydna waxaa hubaala in ay dhamays tiri lahayd dhismihiisa .
Marka Taariikhdu sidaa ka marag kacayso miyaan dafiri karnaa Hogaaminta Dumarku ku hanan karaan Xillka qaranka u hayaan ? Miyaan Xaqiri karnaa Kartida Dumarku ku Hugaamin karaan Masuuliyada Qaranka?
Ugu danbayn Madaxwayne Axmad Siiraanyo waxuu u magacaabay Marwo Khadra X Gaydh Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada 1/3/2016 waxaana hubaala in Dumarku hanan karaan Xillalka iyo Masuuliyada Qaranka oo aan looga baqanayn anigoo Bulshada ku guubaabinaya in Hablaha Waqti Dheeraada la siiyo si kor loogu qaado Aqoonta Haweenka iyadoo aynu arkaynu Hanka Dumarka Caalamka oo Madaxwaynaha gaadhsiisan .
Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle