Hoggaamiyaha Ciidan-beeleedka Buuhoodle Xukuma Oo Mar kale Cali Khaliif U Hanjabay, Xaglo-toosiye-na Farriin Baqe Ka Muuqdo Usoo Diray

0
70

“Cali Khaliif masoo geli karo deegaannada Buuhoodle, Shakhsiyaddiisa oo kali ah ma ahee waa afkaarta uu xambaarsan yahay, Xaglo-toosiye wax uu kaga duwan yahay baa jirta oo inuu Buuhoodle iibiyo ama gacan kale geliyo kuma qanacsana, …”

“Hubka aanu haysanaa waa kii dawladdii Siyaad Barre, Mushaharkana Puntland baanu ka qaadanaa, Somaliland-na wada-hadalkeeda iyo afaaraheedu annaga nama khuseeyaan…”Cabdicasiis Kiis-diid

buuhoodle

Buuhoodle:(Hubaal)-Hoggaamiyaha maleeshiyo beeleedda fadhigeedu yahay magaalada Buuhoodle Md. Cabdicasiis Kiis-diid Beyddan, ayaa shaaca ka qaaday inaanu magaalada soo geli Karin hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh oo magaalada uga tegay shaqaaqo ay kooxdaasi ku samaysay.

Hoggaamiye kooxeedkan oo u warramay Telefishanka Somnews, ayaa Cali Khaliif ku eedeeyey inuu xidhiidh la samaystay xukuumadda Somaliland, waxase uu ka gabaday inuu soo gelitaanka Buuhoode u diido wasiirka caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo isagu dhalasho ahaan halkaas kasoo jeeda, balse waxa uu si cad u diiday inuu Cali Khaliif halkaas dib ugu soo noqdo.

Hoggaamiye Cabdicasiis Beyddan oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa,  “Cali Khaliif masoo geli karo deegaannada Buuhoodle, Shakhsiyaddiisa oo kali ah ma ahee waa afkaarta uu xambaarsan yahay isaga oo kali ahna ma ahee waa isaga iyo kooxdiisa oo dhan, hadafka ay wadaan ee aanu diidanahayna waa ka Somaliland.”

 Cabdicasiis Kiis-diid Beydan waxa uu si cad u sheegay in ciidamada uu horjoogaha u yahay ay mushaharka ka qaataan maamulka Puntland, isla markaana hubka ay gacanta ku hayaan yahay hadhaagii ciidamadii dawladdii Maxamed Siyaad iyo wax ay iyagu iibsadeen, waxana uu yidhi, “Hubka aanu haysanaana waa kuwii ay dawladdii Siyaad Barre ka dhacday iyo wax ay iibsadeen, mushaharkana Puntland baanu ka qaadanaa, laakiin marka uu cadow Buuhoodle kusoo wahan yahay waxan Puntland iyo waxaas kuma shaqaynee waxanu ku shaqaynaa ciidanka difaaca Buuhoodle.”

Isaga oo afkiisa u diidaya inuu si cad u sheego inay magaalada ka hor joogsan doono wasiir Xaglo-toosiye oo ah sarkaalka ugu sarreeya reer Buuhoodle ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xilka ka haya, ayuu sheegay in arrintiisa laga tashan doono, “Saleebaan Ciise wax uu kaga duwan yahay baa jirta oo inuu Buuhoodle iibiyo ama gacan kale geliyo kuma qanacsana, taasna wada-tashi baanu ka samaynaynaa, laakiin annagu waxa aanu diidanahay waa afkaarta Somaliland cidkasta oo wadataba” ayuu yidhi hogaamiye Cabdicasiis Beyddan.

Cabdicasiis Beyddan waxa uu si cad u sheegay in deegaanka Buuhoodle uu nabad yahay, isaga oo intaas ku daray in curashada wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo khalkhal nabadeed horseedi karaan, waxana uu yidhi, “Deegaanku nabad waa yahay waxase nabadgelyo-darro wadaa waa kuwa wada-hadallada wada eel eh maamul fidin Somaliland ah baanu wadnaa, kooxda khalkhalka waddaana waa kuwa shirarka Djibouti ka wada.”

Waxa uu sheegay inaanay maleeshiyadiisu diyaar u ahayn inay wax wada-hadal ah la furaan Somaliland oo ay Puntland raacsan yihiin, isaga oo intaas ku daray in cidda talada deegannadaasi ka go’daa tahay madax-dhaqameedka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annaga Puntland iyo Somaliland marnaba nooma sinna oo Somaliland Xasuuq baanu u tirinaynaa, Cali-khaliif-na waanu is ognahay, mana soo geli doono, Somaliland wada-hadalkeeda iyo afaaraheedu annaga nama khuseeyaan, deegaanka taladiisuna cid bay u taallaa oo waa Isimada oo uu kaw ka yahay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe” ayuu yidhi Hoggaamiye Cabdicasiis Beyddan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here