Hoggaamiyaha Mucaaridka Turkiga Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Inqilaabkii Sigay Dawladda Madaxweyne Ordugan

0
33

Washinton (Hubaal/Aftahannews) Fathullah Gulen oo ah hoggaamiyaha ay siyaasadda ku kala tageen Madaxweynaha Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay inqilaabka dhicisoobay ee ay ka badbaaday Dowladda Madaxweyne Ordogan.

Hoggaamiyahaan oo masaafuris ahaan u jooga dalka Mareykanka ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay inqilaabka gilgilay dalka Turkiga ee ilmada ka keenay Madaxweyne Ordogan oo iminka saameyn ku yeelanaya dowladnimada dalkaasi, kaddib markii ay xadka ka baxeen dadka uu ku tuhmayo inay lug ku yeesheen. fathullah gulen“Waan cambaareynayaa inqilaabka Milateriga Turkiga weligeyna waan ka soo horjeeday arrintaas” ayuu yiri Fathullah Gulen oo sheegay inay ku kala tageen xukunka dalka inuu Milateri u gacan galo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Ordogan oo la hadlayay shacabka weli taagan waddooyinka Istanbul ayaa sheegay inuu ansixinayo haddii Baarlamaanku ansixiyo ciqaabta dilka ah ee lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo dembiga qiyaano qaran. Madaxweyne Ordogan oo carada uu ka qaaday inqilaabka dalkiisa lala damacsanaa ayaa Mareykanka ka dalbaday inuu u soo gacan geliyo wadaadka Fathullah Gullen, hase yeeshee Mareykanka ayaa Turkiga ka dalbaday inuu la yimaado caddeymo arrintaasi muujinaya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here