Ma’ jirto, fikirad odhanaysa Hoggaamiyahaasi waa 50-50, laakiin waxa jira Hogaamiye Togan iyo mid Taban.
Hoggaamiyaha Togani had iyo jeer wuxuu abuuraa hoggaamiye wanaagsan, halka hoggaamiyaha Tabani uu ka abuuro dad raacsan oo qudha.
Hoggaamintu waa farshaxan-dhiga waxa ay dadku doonayaan in loo qabto, sababtoo ah, waa inaad u qabataa waxay doonayaan, mana aha run ahaantii hoggaamintu wax la taaban karo, balse ay tahay mid wax laga baran karo.
Hoggaaminta iyo Maareynta waxa lagu qeexaa in ay Maareeyntu tahay ta wax saxda laakiin hoggaamintu sida saxda ah ee ku habboon ayey wax u qabataa, haddaba sida uu dhigayo Hoggaaminta-Togani waxa ay had iyo jeer kuwada socdaan wax-wadaagis tiiyoo la ixtiraamayo saaxiibnimadda iyo farqiga u dhaxeeya wuxuu yahay;
sida aynu wada ogsoonahay waxa Aduunka ka jira hoggaamiyayaal badan, inkastoo ay aad u yar yihiin inta hoggaamiyaha ahi, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay dhabada guusha ay ku gaadheen, kuwo muujiyey qadarin, iyagoo tusay dadkooda halka loo socdo, xeel-dheeri, xulasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla taa macnaheeda lama odhan karo inay tahay waxqabad haddii uu soo jeediyo khudbad ay dadku wada jeclaystaan, laakiinse waa kuwo qeexayey maxsuulka oo aan sifeyneyn iyo inay ka tagaan-dadkiisa oo horumarsan, taasina waxay noqotaa dhaxalka uu ka tago hoggaamiyayaasha togani.
Haddaba Inkastoo laga dheehan karo inuu leeyahay hoggaamiyaha togani isku kalsooni, aqoon, daacadnimo, run-sheeg, ahna mid ka fikiraya siduu u hagaajin lahaa dhinaca horumarka dalkiisa iyo dadkiisaba, bixinayana fursado badan taasoo qofkastaba ku haggaajinayo xirfadooda iyo sidoo kale inuu siiyo awood ay ku soo hooyaan hadafkooda, una abuuro rajo ay dadkiisa ay ku gaadhaan guusha iyagoo waliba aaminsan, hoggaamiyaha togani maaha ka ay dadku ku raacaan cunfi iyo qabiil xataa haddii aanu hayn xil ama aanu lahayn magac.
Hoggaamiyaha togan wuxuu isku dayaa inuu dhiiri-galiyo laakiin iskumana dayo inuu tuuro ama ay ka siibtaan saaxiibadii, kuna abuuro niyad jab, waa mid aqoonsan saaxiibadii meeshaydoonaan ha kala joogaane, inta badan wuxuu ku hamiyaa siduu u abuurilahaa fursado badan oo uu ku soo saarayo ka qarsoon ee leh xirfadaha dabiiciga ah, cidna kuma dhalin karo ilaa aad niyad u haysid mooyaane, inkastoo aanu fahmi karin qiyamka xirfadaha dabiiciga ah iyo xirfada caadiga ah ee uu qofku leeyahay, ta kaliyaatee uu ku ogaan karaana ay tahay inuu hantiyo kuna xidhnaado kuwo leh Tayo, xirfad gaar u ah iyo xirfado dabiiciya.
Hoggaamiyaha togan wuxuu dareensan yahay oo inta badan uu maskaxdiisa ku hayaa mudada kooban ee uu xilka hayo iyo inuu si xaq ah uga dagi doono xilka, waxaanu haystaa wax ka xakameyn kara kalsoonida uu ku qaadanayo xaaladaha xasaasiga ah iyo fulinteeda ilaa inta uu ku guulaysanayo, isla markaana uu shaqadiisa ka ilaaliyaa xirfadiisa cusub iyo xirfadihiisa dabiiciga ah, sidoo kale wuxuu siiyaa saaxiibadii fursado ay ku gaadhi karaan go’aanadooda khaasatan xaaladaha qaar.
Halka Hoggaamiyaha Tabani uu saaxiibadii ku dhiiriyo cabsi isagoo waliba isla dhacsan oo is cajabinaya, waxa kale oo uu si khaldan u isticmaalaa xilka umada uu u hayo, lagamana yaabo waligii inuu baadhid sameeyo ama uu lafo-guro saaxiibadiisa leh xirfaha dabiicga ah iyo xirfaha caadigaha ah iyo waliba kuwa xudunta u ah, taasoo si fudud uga caawin lahayd waxyaabaha had iyo jeer ku soo noqnoqanaya maskaxdiisa siduu ugu heli lahaa xalintooda markay xaaladdu adkaato, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in laga qaato go’aan adag, naftiisana waxa ku abuuranta cabsi ah, inuu ku waayayo xilka uu hayo, waliba waxa intaas u sii dheer inuu culays ku saaro saaxiibadii inay qabtaan xitaa haddii aan loobaba baahnayn arrimahaas, waxaanu noqdaa mid ku mashquulsan goormaa lagu amaani doonaa iyo goormaa lagu abaal marin, mana aha kuwo ka yareyn kara amarrada ay siinayaan xubnaha ka mid ka ah kooxdiisa, kuwaas oo aad u tixgaliya markay horjoogaan laakiin markay ay ka maqan yihiin hoos u dhiga, waxa suuragala inay taasi sabab u tahay xirfadiisa shaqo iyo xirfadiisa dabiiciga ah, lamana odhan karo taasi inay tahay tixgalin dhab ah, balse tixgalinta dhabta ahi ay tahay ta markay ka maqan yihiin ay siiyaan, waana ta kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku mudana yihiin.
Hogaamiyaha Togan waa mid diyaar u ah inuu ogaado warbiximaha ku soo noqnoqonaya inuu hagaajiyo, waxaanu aaminsan yahay haddii wuxuun la qabto inay ka sii fiicnaan doonto wixii la qabtay, halka hoggaamiyaha xun ay maskaxdiisa ku jirto warbixin dantiisa ah inuu ka helo dadka kale, si war-celintaa gaarka u ahina ay kuwa kalena ugu war-wareegto.
Hoggaamiyaha Togan sharciguu u hogaansamaa, halka hoggaamiyaha Taban uu amarka ka bixiyo, Hoggaamiyaha Togan wuxuu indhaha ka laliyaa saaxiibadii markay wax ka khaldamaan, amar baanu ku siiyaa si ay markale shaqo-wanaagsan u qabtaan, halka Hoggaamiyaha Taban uu ku qabto guul-daradooda.
Aan ku soo noqdo dulucda qormadeydan maanta Aduun-weynuhu waxay isla qireen in hoggaamiyayaasha Somaliland ay yihiin hoggaamiyayaal togan, iyagoo taa ku qiimayey hanaanka geedi socodka guusha ay ku gaadheen inay ahayd kii ugu qiimaha badnaa shir-dhaqameedyada Afrika ee lagu xalliyo arrimaha siyaasadda, nabadgalyada iyo dawladnimada, kaas oo lagu go’aamiyey sidii beelaha Somaliland oo dhan ay uga qaybqaadan lahaayeen hannaanka siyaasadeed, loona dhisi lahaa hay’ado dawladdeed oo ku salaysan hannaan dimuquraaddi ah, waxaanay gunta ka soo unkeen habkii iyo dhismihii hay-kal iyo nidaam dowladdeed, iyagoon wax taageero iyo dhaqaale midnaba ka helin Caalamka, waxay sameysteen dastuur iyo nidaamka doorashooyin ee ku salaysan hannaanka xisbiyada badan, in si nabadgelyo ah loola kala wareego awoodda sare ee dalka, waa dal-aan la aqoonsanayn muddo 24-sannadood oo haddana horumarsan, oo nabad ah, deriskeedana la nabad ah, waxaanay Dunida kusoo kor-dhiyeen hab cusub oo lagu xaliyo isku dhaca oo aan wax-la barbar dhigaa jirin, wadahadal, isqancin, isu tannaasul iyo isu dul-qaadasho, arrimahaas oo ah kuwa salka u ah nabadgelyada, ammaanka, xasiloonida, dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladdeed ee Somaliland ku naaloonayso.
Maadaama ay taa caan ku ahayd Somaliland xalinta khilaafkaadka si aanay u liicin sharafkii iyo sumacdii ay ku lahayd caalamka waxa haboon in wax lagaga daydo dariiqooyinkii hore.
.
W/Q: Mr. Mohamed Farah Qoti